Home Afsomali Warsaxaafadeed Golaha Samata Bixinta Qaranka iyo Dhismaha Maamul Goboleedka Banaadir State. (...

Warsaxaafadeed Golaha Samata Bixinta Qaranka iyo Dhismaha Maamul Goboleedka Banaadir State. ( DAAWO) SAWIRADA )

Golaha Samata Bixinta Qaranka iyo Dhismaha Maamul
Goboleedka Banaadir State.
Ujeeddo: Warsaxaafadeed. Taariikhda: February 8, 2021
Golaha wuxuu hiigsanayaa badbaadinta qaranka soomaaliyeed oo
khilaaf iyo damac kursi ay mugdi geliyeen jiritaankiisa, wuxuuna si gaar
ah uga shaqeeynayaa dhab u heshiisiin guud oo dadka soomaaliyeed
musaalaxo dalka oo dhan gaarta.
Kadib markii muddo xileedkii madaxweynuhu dhamaaday isagoon
doorasho qaban ayaa goluhu wuuxuu soo saaray baaqyada hoos ku
qoran:
1. Baaq ku socda shacabka Soomaaliyeed:
o Goluhu wuxuu shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan goboladda
dalka gaar ahaan Gobolka Banaadir ugu baaqayaa iney u diyaar
garoobaan banaanbaxyo nabadeed oo ay ku cabirayaan
dareenkooda, kuna gudanayaan xuquuqdooda muwaadininimo.
Banaabaxyadaas oo bilaaban doona maalinta Talaadad ah ee ay
bishu tahay 09 Feb 2021 maalintaas oo noqoneysa maalintii
labaad oo dalkani uusan lahayn dawlad sharciyad leh
sababteedana waxaa iska leh M/weynaha muddo xileedkiisa
dhamaaday Mudane Farmaajo oo jecleystay inuu dalka xoog ku
heysto iyo kaligitalisnimo, isla markaana iska dhego tiray
baaqyadii ka imaanayey shacabka Soomaaliyeed ee kala ah.
Odayaasha dhaqanka, Siyaasiyiinta, Bulshadda rayidka ah,
Culumaa,udiinka, Ganacsatada, Dhalinyarada, Haweenka, iwm.
Iyo beesha caalamka ee daneeya arimaha Soomaaliya.
2. Baaq ku socda Hay’adaha Dawliga ah.
o Golahu wuxuu ku boorinayaa gudoomiyaasha labada aqal ee
barlamaanka Mudane Mohamed Mursal iyo Mudane Abdi Hashi
iney ilaaliyaan sharuucda dalka isla markaana aysan aqbalin
waqti dheesi aan sharci aheyn, xaq dhowraana maba’diida dalka
u dagsan.
o sidoo kale waxaan Xukuumada uu madaxda u yahay RW
Mudane Mohamed Hussien Roble Kula talineynaa iney si hufan
ummadda ugu adeegaan inta laga helayo xukuumad bedasha,
isla markaana ay ogaadaan in shaqsi kasta lagula xisabtami
doono mas’uulitadda uu qaranka u hayo.
o Sidoo kale Goluhu wuxuu baaq u dirayaa Ciidamada qalabka
sida, kuwaas oo loo tababaray waajibkooduna yahay in ay
difaacaan Qaranka, isla markaana sugaan amniga Shacabka
Somaliyeed, waxaan ugu baaqeynaa in aan loo isticmaalin
jabinta sharciga, dano siyaasadeed iyo caburinta shacabka
Golahu wuxuu dhamaan CXDS ku war gelinayaa iney ka
fogaadaan wax walba oo u keeni karo iney ku dhacaan dembi ay
ka galaan dalka, diinta iyo dadkaba, askarigii ka dhega adeyga
talada shacabka Soomaaliyeedna wuxuu dhedhemin doonaa
cawaaqib xumada ka dhalata gabood falka uu geysto askarigu,
dembi kasta oo uu askari geystana wuxuu hortegayaa sharciga
wixii aad si sharci daro ku geysatana kaligaa ayaa lagaala
xisaabtami doonaa.
o Goluhu wuxuu hayadaha Garsoorka iyo Xeer ilaalinta Qaranka
Kula dardaarmayaa iney ilaaliyaan kana foojignaadaan boobka
lagu sameeyo hantida Qaranka iyo mida gaarka ah ee shacabka
Somaliyeed.
3. Baaq ku socda M/weynaha muddo xileedkiisa dhamaaday
Mudane Mohamed Abdullahi Farmajo:
o Kadib markaan aragnay warqadii ka soo baxday kalfadhigii 1aad,
kulankii 7aad ee Wadajirka Labada Aqal ee BFS, qodobkiisa 1aad
kaas oo tilmaamayey in Madaxweyne Mohamed Abdullahi
Mohamed “Farmajo” xilkiisu ku eg-yahay 7da February 2021,
o Goluhu markuu arkay in 4tii sano ee uu xilka hayey Mudane
Farmaajo uu geystay tacadiyo badan oo aan ka xusi karno;
• Dhiibistii Qalbi Dhagax
• Weeraradii loo geystay qaar ka mid ah siyaasiin ay ka midyihiin Abdirahman Abdishakur, Senator Abdi Hassan
Awale-Qaybdiid, Senator Muuse Suudi Yalahow,
M/weynayaashii Hore Mudane Hassan Sh. Mohamud iyo
Mudane Sh. Sharif Sh. Ahmed
• Ridistii xaqdarada ahayd ee Gudoomiyo Jawari iyo RW
Hassan A. Khayre
• Boobkii doorashada Maamul Gobaleedyada qaar.
• Weeraradii dadka badani ku dhinteen ee ka kala dhacay
magaalooyinka, Baydhabo, beledxaawo, beladweyne iyo
Dhuusemareeb.
• Fashilka Doorashada ee maanta taagan
o Sidaa daraateed, Golahu wuxuu ku talinayaa in lagala
xisaabtamo dambiyadii uu geystey. Madaxweynihii hore
Mudane Farmajo.
o Goluhu wuxuu kula talinayaa Mohamed Cabdullahi Farmajo in
uusan isku soo sharixin xilka madaxweynaha, maadaama uu ku
fashilmay mudadii 4ta sana aheyd ee uu dalka soo
hogaaminayey.
4. Goluhu wuxuu taageerayaa bayaankii ka soo baxay taarikhdu markay
aheyd February 8, 2021 oo ay soo saareen Golaha Mudowga
Musharaxiinta Madaxweynimadda Somalia.
• Goluhu wuxuu ku baqayaa in Madaxweynihii hore ee
Somalia mudane Mohamed Cabdullahi Farmajo uu u
hogaansamo baaqyada ugu imaanaya Mamul
Goboleedyadda dalka, saamileyda siyaasadda iyo beesha
caalamka.
5. Baaq ku Socda Beesha caalamka:
o Goluhu markii uu arkey warsaxafadeed ay soo saartey Beesha
Caalamka ee ku aadan xaalada ay siyaasadda Somalia ku
sugantahay manta. Waxaa noo cadaatey in Beesha Caalamka
mowqifkeedu uu san gaarsiisneyn wixii xal u noqon lahaa
xaaladda siyaasadeed ee dalka, isla markaana ay u muuqato in
ay sharciyad u raadinayaan madaxweyne muddo xilileedkiisu
dhamaadey.
Gunaanad:
Goluhu wuxuu u mahad celinayaa dhamaan dadkii kasoo qeyb galay
shirkaan jaraa,id ee aan maanta qabaneyno si gaar ahna Waxaan ugu
mahad celineynaa bahda saxaafada oo mar walba u taagan u gudbinta
xogaha rasmiga ah iyo dhacdooyinka maalin laha ah ee ka dhaca dalka
Waxaan kaloo u mahad celineynaa shacabka Soomaaliyeed ee na
daawanaya nana dhegeysanaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.