Home Afsomali Warsaxaafadeed laga soo saaray Kulankii madaxweyne Siilaanyo uu la qaatay raiisal wasaaraha...

Warsaxaafadeed laga soo saaray Kulankii madaxweyne Siilaanyo uu la qaatay raiisal wasaaraha Ethiopia

 

Taariikh: 30 /10/2016

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, , Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo ayaa 29. 10.2016 kulan la qaatay Raiisal Wasaaraha Dalka Itoobiya mudane Hailemariam Desalegn waxayna ka wada hadleen Xidhiidhka qotada dheer leh ee u dhexeeya labada dal iyo arrimo Khuseeya danaha labada dal. Labada hoggaamiye waxay kulankan is weydaarsadeen aragti iyo araah la xidhiidha sidii loo sii xoojin lahaa loona wanaajin lahaa iskaashiga xagga Ganacsiga, Maalgashiga iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha ee labada dal.

Labada hoggaamiye waxa kale oo ay ka wada hadleen tayaynta iyo dar-dargelinta jidadka labada dal isu xidha iyo weliba horumarinta iyo casriyeynta Dekeda Caalamiga ah ee Berbera, arrintanina ay labada dalba faa’ido ugu jirto; gaar ahaan dalka Itoobiya oo ay ka go’an tahay in Dekeda Berbera ay uga faa’iidaysato horumarinta iyo koboca dhaqaaleheeda iyo Xidhiidhka Ganacsi ee ay Ethiopia la leedahay Caalamka.

Sidoo kale labada hoggaamiye waxa kale oo ay isu waafaqeen ka wada shaqaynta arrimaha Amniga iyo xasiloonida labada dal iyo la dagaallanka kooxaha arga-gaxisada ah ee mandaqda ka wada nabadgelyo darrada.

++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++++

Prime Minister  Hailemariam Desalegn has conferred today with a delegation led by a Somaliland President Ahmed Mohamed Mohamoud Silanyo on issues of bilateral relations and common interests.

The two leaders  exchanged  views on  fostering their existing cooperation in trade, investment and economic development.

They have also discussed on ways of linking the two countries with infrastructure and  developing  Berbera port as Ethiopia has remained desirous to use the port to promote its foreign economic relations and trade.

They have also agreed to cooperate in ensuring peace and security in the region as well as fighting against terrorism.

The Somaliland President on his part confirmed that he discussed with   Ethiopia’s Premier on issues of mutual  interest and vast areas of cooperation.”

Dhanka youtube ka linkiga hoose 

More VIDEOS https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.