Home Afsomali Warsaxaafadeed Musharax Madaxweyne oo shubay sodon kun doolar Cabdullaahi Cali Xasan waxaan...

Warsaxaafadeed Musharax Madaxweyne oo shubay sodon kun doolar Cabdullaahi Cali Xasan waxaan Go’aan ku gaaray in aan ka tanaasulo u tartanka jagada Madaxweynimo ee Soomaaliya

WAR SAXAAFADEED UJEEDO: KA TANAASULID MUSHARAXNIMADA JAGADA MADAXWEYNAHA SOOMAALIYA BISMILLAHI RAXMAANI RAXIIM

Anigaoo ah Eng. Cabdullaahi Cali Xasan waxaan Go’aan ku gaaray  in aan ka tanaasulo u tartanka jagada Madaxweynimo ee Soomaaliya maanta oo taariikhdu tahay 04.02.2017, tanaaulkeyga musharaxnimada Madaxweynaha wiuxuu ku saleysanyahay sababaha hoos ku qoran:
Markii aan qiimeeyay xaalada qalafsan ee dalku ku suganyahay iyo baahida  loo qabo in la helo hoggaan karti leh oo dalka u horseeda dowladwanaag, amni iyo kala dambeyn, cadaalad, iyo horumar bulsho iyo mid dhaqaale.
Markii aan arkay in musharixiin gaaraya 24 ay isku soo sharaxeen in ay u tartamaan xilka madaxweyne ee dalka taas oo markhaati u ah jahawareerka siyaasadeed ee dalkeena  ka jira oo aysan ka tarjumayn baahida dalkeena iyo dadkeena oo  ku jira xaalada qalafsan ee siyaasadeed, amni, dhaqaale iyo bulsho.
Anigoo garowsan in is sharaxaadaydu  aysan ku  qotomin mar uun madaxweyne ha lagu yiraahdo oo ay daacad iga tahay Ilaah hortiisa in aan dalkeyga iyo dadkeyga ugu adeego si daacadnimo ah  xil ama jago walba oo aan qabto,diyaarna u ah in amaanada ay umadaydo ii dhiibato aan u guto si daacadnimo ah oo Alle kacabsi leh.
Anigaoo la tashaday waxgarad badan oo Soomaaliyeed oo ka kooban qaybaha bulshada sida siyaasiinta, aqoonyahanada, dhallinyarada, haweenka, duubabka , odayaasha dhaqanka, ganacsatada iyo qaybaha kale ee bulshada ayaa waxaan go’aansaday in aan tartanka madaxweynimo ka tanaasulo waqtigaan.
Waxaan mahad balaaran oo aan la soo koobi karin leh Ilaah subxaanuhu watacaalaa. Waxaan kale oo aan mahadcelin halkaan uga soo jeedinayaa taageerayaasheyda meel kasta oo ay joogaan dalka iyo dibada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed guud ahaan.
Sidoo kale musharixii ku guuleysta jagada madaxweynaha waxaan u soo jeedinaa in uu dalka daacad ugu shaqeeyo oo uu taarikhda baal dahab ah ka galo, jiilka soo socdana u reebo dhaxal wanaagsan.
WABILLAHI TOWFIIQ
Eng. Cabdullaahi Cali Xasan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.