Home Afsomali Warsaxaafadeed

Warsaxaafadeed

Shirka Iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya, ayaa magaalada Muqdisho markii ugu horeysay ka furmaya magaalada Muqdisho 1-da October, iyadoo uu socon doono ilaa 2-da October 2019. Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa soo dhawaynaysa shirka caalamiga ee iskaashiga Soomaaliya, oo hore loogu qaban jiray dalal ka mid ah Yurub, waxaana ka qeybgalaya in ka badan 50 dowladood. Shirkaan, oo soconaya muddada labada maalmood ah, waxaa diiradda lagu saarayaa horumarinta dalka Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha Bulshada, Dhaqaalaha, Amniga, Siyasadda, Cadaaladda. Ku qabashada shirka ee magaalada Muqdisho, wuxuu tusaale cad u yahay sida Dowladda Federaalka Soomaaliya ay guulaha wax ku oolka ah uga soo hoysay siyaasadda arrimaha dibadda iyo horumarada kala duwan ee ay ku tallaabsatay. Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaa ka go’an in ay sii laba jibaarto dadaalada lagu hormarinayo dadka iyo dalka Soomaaliya, waxayna ugu baaqeysaa shacabka Soomaaliyeed in ay qayb libaax ka qaataan xasilinta iyo dib u dhiska dalkooda hooyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.