Waxa si isdaba joog ah ugu so baxaaya
Xafiiska Raisalwasaraha kheire
Amaro iyo digniino ,handadaad ku wajahan
Wasaradda cafimaadka masuliyiintooda ugu sareeysa.
kadib markii la helay Aduun lacageed oo dhan 15, 000 000 (shan iyo toban milyan) oo doolar oo si dag dag loogu shubay koontada Wasaarada Maaliyada Federaalka oo loogu talagalay in lagula tacaalo cudurka safmarka ah covid19. Xafiiska ra’iisul wasaaraha waxuu amaro joogta ah ku bixinayay in wasaaradda caafimaadka soo wareejiso shaqada Covid19 iyo dhaqaalaha loogu talagalay cudurkan, Wasiirada cafimaadka Federaalka Drs Fawziya Abiikar nuur ayaa ka biyo diiday wareejinta shaqada caafimaadka dalka waxayna si cad ugu sheegtay in ayadu masuul ka tahay caafimaadka dalka.
Waxaa shaqaddii wasaarada caafimaadka la wareegay koox ka socota xafiiska khayre oo aan isku xidhnayn, hogaan sax ahna aan lahayn, kooxdaan intooda badan maaha shaqaale dawladeed waxayna isku hayb yihiin RW Khayre waxa ku jiro kooxdii shaqsiyaad soo burburiyay Wasaarada Gargaarka.
Qorshaha qaran ee ka hortaga COVID19 oo loo yaqaaan English ahaan Somali National Preparedness plan, and Contigency plan for covid19 waxaa qoray agaasimeyaasha wasaarad ee hada la bahdiley ee shaqadoodii la siiyay kooxdaan abaabulan si ay lacagtaaas ayaku u maamulaaan una qaataaan dhaqaalihi lagu samata bixin lahaa bulshada Soomaaliyeed.
Jaha wareer kaan wayn waxaa keeney Yaxye Cali Hareeri oo uga ah raysal wasaraaha la taliye dhinaca burburinta wasaaradii diida amarka kheyre, sida wasarada caafimaadka Yaxye Hareeri waa Mulkiilaha isbitaalka Jazeera (EX. Gurigii Hore Ubax Kacaanka), waxayna isku hayb yihiin khayre, waxuu kale oo uu share ka qataa hayada YARDAMELLI oo wasaaradu ay isku dhaceeen sababa la xadhiidha maamulida isbitaalka yardameli iyo doorka wasarada ay ku leedahay..
Yaaa qaadaya masuuliyada dhimashada wasiir dowllihii Cadaaladda hirshabelle ee u dhintay COVID 19, kuna geeriyooday isbitaalka de-martino?
Marki lagasoo tago qadartii alle ee lama dhaafanka ah, wasiirku wuxuu u dhintay dayac iyo masuuliyad daro ka timid haykalka caafimaadka oo uu geystey RW. kheyre, waxaana xaqiiqo ah ka fiirsasho la’aanta raysal wasaraha talaabooyinka uu qaaday in ay keeneen dhimashada muwaadiniin iyo wasiiro.
Kadib xadhigii Agaasimaha guud ee wasaraada caafimaadka, waxaa abuurmay khal khal iyo hogaan la aan dhinaca farsamooyinka shaqo ee aad ka loogu baahnaaa. Dhamaaan agaasime waaxeed yadii, waxaa loogu yeedhey baadhitaano ay wadaan gudi baadhis oo ka kooban booliis iyo cid iyo hanto dhawrayaaal oo ka amar qaata kaliya xafiiska raysal wasaraaha.
Waxaa burburay heerkii koobaad haykalka caafimaadka waxaa la xiray Agaasimihii Guud ee wasaradda Caafimaadka, waxaa sidoo kale handadaad iyo caga jugleeynay joogtaha ku socotaa agaasime waaxeed yadii wasaarada oo la ildaraan ka jaawibista sualaaha kooxda danbi baadhayaasha ee ka amar qaata raysal wasaare kheyre, iyo cudurka covid19 oo midka mid ah agaasimayaasha la xaqiijiyay in uu hayo kuwa kalana ay leeyihiin calamadihii maadama isku qol ay ku shiri jireen.
Waxaa kale oo dhexda ka baxay maamulkii isbitaalka De-martino, maadama isbitaalku u baahnaa gargaaro dag dag ah, wxaa cadayn loo hayaa, in Cunto la’aan, biyo’laaan ba ay hayso isbitaalka maadama agaasimihii maaliyada ee waxas bixin jiray la xidhay cid badashana aan loo smaayn.
Kheyre, ma waxuu rabaa in uu umada bad baadiyo mise in uu mar marsiiyo ka dhigto waxan baarayaa agaasime maaliyadeed oo musuq sameeyey maxaase xiligaan adag kuoo aadiyay baaritaanka??
Ugu danbayn Ra’iisul Wasaare Fadlan Su aalahaan uga jawaab Shacabka Soomaaliyeed
Wa sax in lala dagaalamo Musuq maasuq cidkasta oo maamusha hanti dadwayne, lakiin ma sax baa in
1. Wasaarada caafimadka xiligeedii ugu adkayd ayadoo ku jirta in la gu soo hagaajiyo xadhiga agaasimayaasha iyo handadaaada agaasime waaxeed yada?
2. Hadii aad naxariis u hayso dhismaha wasaarad caafimaad, maxay tahay sababtaa aysan wasaaradu u lahayn xataa ku sime agaasime Guud mudo dhan isbuuc ee uu xirnaa agasimihii guud?
3. Miyaysan sax ahayn in aaad rabto dhismaha koox abaabulan oo xafiiskaaga ka shaqaysa, wax tarkeedu yar yahay maadaama aysan caafimaad ka shaqayn jirin, waliba ay sameyn karaan khaladaad waa wayn maadama aysan lahayn khibrad hore?
4. COVID19 waa cududr, maxay tahay sababta loo siyasadeeyey?
5. Waxaaa cadaymo loo hayaa in Bankiga aduunku ku dhawaaaqay 7.2 million lacag ah oo deg deg ha loo siiyo wasarada caafimaadka la dhahay, maxay tahay sababta uu wadanku ilaa hada u haysan oxygen la aaan?