Home Afsomali Wasaaradda Maaliyadda Oo Soo Bandhigtay Qorsheyaasha Dhaqaalaha Iyo Maaliyadda 2023.

Wasaaradda Maaliyadda Oo Soo Bandhigtay Qorsheyaasha Dhaqaalaha Iyo Maaliyadda 2023.

-Waxaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho munaasabad ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya oo looga hadlayay arrimaha mudnaanta u leh Dhaqaalaha iyo Maaliyadda Dalka ee sanadkaan 2023.

Shirkaan ayaa diiradda lagu saaray qorshayaasha ahmiyadda u leh dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya iyo hannaanka Maaliyadda iyo kicinta dakhliga gudaha dalka. Kulanka ayaa sidoo kale lagu lagu soo bandhigay sida ay muhiim u tahay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay sare u qaado ka qeybgalka dadweynaha ee Miisaaniyadda Dowladda si ay aragto ugu dhiibtaan inta aan la meelmarin.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo kukanka hadal ka jeediyay ayaa sharaxay qorsheyaasha Wasaaradda Maaliyadda u yaalla sanadkaan 2023 ay doonayaan in xooggaa lagu saaro horumarinta dhaqaalaha iyo xoojinta dib-u-habaynta hannaanka Maaliyadda.

Wasiirka ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqey muhiimada ay sanadkaan u leedahay Wasaaradda Maaliyadda xoojinta hufnaanta Maamulka Maaliyadda iyo isla xisaabtanka taasi oo uu sheegay in ay muhiim u tahay sare u qaadidda dakhliga Dowladda iyo maamul wanaagga.

Previous articleKhasaaraha ka dhashay qabow daran oo kajira Mareykanka oo kordhay
Next articleMadasha Wadatashiga Qaran Ee Maanta Furmeysa Oo Hareyneysa Xiisada Baydhabo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.