Home Afsomali Wasiir Axmed Xuseen oo sheegay in canad ay ugu Deeqday Somaliya Aduun...

Wasiir Axmed Xuseen oo sheegay in canad ay ugu Deeqday Somaliya Aduun lacageed oo gaaraya 18 milyan oo dollar

Wasiirka Muhaajiriinta, Qaxootiga iyo ee dalka Canada, Axmed Xuseen ayaa ku dhawaaqay inay Somalia siinayaan gargaar dheeraad ah oo dhan 18 million oo Dollar.

Waxaa loogu talo galay dadka baahiyaha gaarka qaba ee ku nool Somalia, kuwaasoo wajahaya Macluul, Barakac, Cuduro, iyo  kuwo xoolahooda ku waayey abaaraha iyo masiibooyinka dabiiciga ah.

Wasiirka ayaa tilmaamay in kaalmadan cusub lagu wareejin doono Hay’addaha QM, laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas iyo ururradda aan dowliga ahayn si ay dadkaasi u gaarsiiyaan adeegyadda Caafimaadka, Biyaha, Waxbarashadda iyo Nafaqaynta dhalaanka.

Axmed Xuseen ayaa waxa uu tilmaamay inay Colaadaha iyo Masiibooyinka dabiiciga cabsi iyo khatar ku hayaan Nolosha Malaayiin qof oo Somali ah, isagoo  xusay in kaalmaddan ay taageeri doonto baahida dadka nugul iyo in la hubiyo inay gaaraan dadka sida degdegga ugu baahan.

Canada ayaa ka mid ah dalalka horumaray ee deeqaha siiya Somalia, iyagoo sannadkii hore 2017-kii Somalia ugu deeqday 29 million oo Dollar oo loogu talagalay baahida Samafalka ee ka jirta Somalia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.