Home Afsomali Wasiir Bayle: oo mar kale xareeyey 137,5 milyan doolar oo ...

Wasiir Bayle: oo mar kale xareeyey 137,5 milyan doolar oo Bangiga aduunka ugu deeqay Soomaaliya

Agaasinka Bangiga Aduunka ayaa ansixiyay 137,5 milyan oo doolar oo lagu taageerayo ka hortaga Covid19 iyo fataahada Soomaaliya.

Qoraalka ka soo baxay Bangiga Aduunka ayaa lagu sheegay in Bangiga oo ka jawaabaya xaaladaha adag ee Soomaaliya ka jira sida la tacaalida Covid19, Fatahaadaha iyo abaaraha ay isku raaceen bixinta lacagtan oo deeq ah si loogu taageero Dowladda Soomaaliya oo dadaal ugu jirta la tacaalida dhibaatooyinkan.

Sanduuqa Hormarinta Caalamiga ah ee Bangiga oo soo marinaya Mashruuca ka jawaabida xasarada Soomaaliya ayaa bixinayaa dhaqaalahan

Wasiirka Maaliyadda XFS Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa ayaa uga mahad celiyay deeqdaan Bangiga aduunka siinayo Soomaaliya.

Bishii Maarso Bangiga Aduunka iyo Hey’adaha Dhaqaalaha Caalamiga ayaa sheegay in Soomaaliya u qalanto in laga cafiyo daymaha taasoo irdaha u furaysay kaalmooyinka Dhaqaale iyo mashaariic Hey’adaasi siiyaan Soomaaliya si ay u soo kabato una gaarto isku filnaan waxaana arintaasi ku timid dadaalkii dib u habeynta maamulka Maaliyadda oo sameysay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.