Home Afsomali Wasiir Dowlada ka Tirsan oo Beydhabo ka Bilaabay in uu u hanjabo...

Wasiir Dowlada ka Tirsan oo Beydhabo ka Bilaabay in uu u hanjabo Ergada una caga Jugleeyo siyaasiyiinta Disow

baydhabo

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa bilaamay in uu guriyahooda ku weeraro Siyaasiin iyo Ergooyin kasoo jeeda Beeshiisa Disow.

Ciidan  ilaalo u ahaa Wasiirka Maaliyadda DFS ayaa maanta weerar ku qaaday Guri uu degenaa Xildh. Yaroow Aadan oo kamid ah Xildhibaanada KGS ee Baydhabo.

Wasiir fargeeti ayaa horey baydhabo u keenay hub noocyo badan isugu jira sida Bastoolado Ak47yo & 2 qori Bkm ah kuwaaso ugu tala galay in uu ku handado beesha dhexdeeda,
Xalay ayay ahayd markii ciidan asaga taabacsan weerar ay ku qaaden gabar kamid ahayd ergooyinka beesha disow u diiday in ay codkooda siiyaan ayaa waxa dhacday in ay yiraahdaan maadama aad na dooran weyday laagteena nasii ama waan ku dilaynaa.

Isla Maanta waxay weerar kusoo qaadeen guri uu deganaa Xildhibaan Yaroow waxayna ku rideen dhoowr xabadood, kadibna goobta ka cararay,

Fargeeti ayaa damacsan in uu dhibaato badan ka dhex abuuro beesha dhexdeeda maadama uu waayay kalsoonadii uu ku qabay in uu heli doono korsiga baarlamaanka ee 2016ka asagoona wacad kusoo maray in uu helaayo Korsiga beesha maadama dhaqaalo badan haysto.
Dowladii KMG ahayd ee lagu soo dhisaayay Kenya imbagaati ayaa lasheegey in uu ka danbeeyey shirqool lagu dilay Dr. Axmed Rashiid Sheekh Macalin Qul-Qule, hadana wuxuu qorsheynayaa in uu laayo siyaasiinta beesha ee fikirkooda kala duwan yahay si uu u helo codka beesha 2020ka

Dhanka youtube ka linkiga hoose 

https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.