Home Afsomali Wasiir ducaale “Shacabku ha dulqaataan inta aan ka fureyno wadooyinka amaanka dartii...

Wasiir ducaale “Shacabku ha dulqaataan inta aan ka fureyno wadooyinka amaanka dartii i xiran

Wasiirka amniga gudaha ee xukuumada Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa ka hadlay xirnaahsha wadooyinka Muqdisho oo ay ciidamada amaanka dhagxaan ku gooyeen jidadka xaafadaha dhex-dooda mara ee Caasimadda Muqdisho, kuwaasi oo inta badan isticmaalaan  gaadiileyda Muqdisho.

Mr Islow ayaa sheegay in dhawaan la furi doono wadooyinkaas, kana dalbaday shacabka dagan Muqdisho  in ay  muujiyaan dulqaad inta ay xiranyihiin wadooyinka, maadaama uu yiri laga shaqeynayo amaanka Caasimadda  Muqdisho.
Sidoo kale Wasiirka Aminga ayaa shaaca ka qaaday in ay ka shaqeyn doonaan xaqiijinta amaanka , islamarkaana ay xoojin doonaan nabad galyada, si looga hortago falalka amaan darri ee xiliyada qaar ka dhaca magaalada Muqdisho, waxaana uu ugu baaqay shacabka in ay la shaqeeyaan hay’adaha amaanka ee dowladda.

Ciidamada amaanka ee dowladda, gaar ahaan kuwa howlgalka xasilinta ayaa baaritaano joogta ah ka wada xaafadaha Muqdisho, kuwaas oo ay ku xaqiijinayaan amniga, waxaana inta badan ciidamadu ay xireen wadooyinka jidcadayaasha ah ee Muqdisho, si gaadiidka iscticmaala  halkaasi ay u soo maraan baaritaanka ciidamadaasi ay ka sameeyaan isgoosyada qaar ee magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.