-Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh C/qaadir ayaa beeniyay wararka sheegaya in nidaamka awood qeybsiga beelaha ee 4.5 lagu qeybsanayo 3-da kun ee macalin ee dowladda qaadaneyso.
Wasiirka oo ka jawaabayay su’aal arrintaasi la xiriirta oo lagu dhex weydiiyay barnaakij uu uga qeyb galayay TV-ga Universal ayaa sheegay iney socoto xulista macalimiinta oo guddi loo saaray, isagoo raja kamuujiyay in tartam hufan oo xalaal ah lagu kala reebo macalimiinta.
Wasiir Faarax ma uusan sheegin hanbka loo marayo qaadashada macalimiinta, waxaase jira warar sheegaya in lagu qiimeyn doono aqoontooda iyo khibrada ay heystaan.
Meelaha macalimiinta cusub la geyn doono waxaa qeyb ka ah deegaanada ay ardeyd ku yar yihiin, ujeedka laga leeyahayna waa in la dhiira galiyo in ardey badan ay goobaha waxbarashada aadaan.
Diiwaanka wasaarada waxaa haatan ku jira oo kaliya 1,000 macalin, waxaana haatan la qaadanayaa 3,000 oo kale, qaadashadooda ayaa timid kadib markii afar jeer la kordhiyay lacagta loo qoondeeyay wasaarada waxbarashada, lacagta waxey badankeed ku bixi doontaa mushaaraadka macalimiinta.