Home Afsomali Wasiir hore oo Galmud ka tirsanaa ayaa ku geeriyooday dhaxdhaxaadinta beelo walaalo...

Wasiir hore oo Galmud ka tirsanaa ayaa ku geeriyooday dhaxdhaxaadinta beelo walaalo ah oo ku dagaalamay degaanka Xananbuure oo gobolka Galgaduud.

Wasiirkii hore ee Wasaarada Shaqadda iyo Shaqaallaha Galmudug Daahir Shidane Cabdi ayaa goor dhow u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray dagaalka ka socda degaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud.

Wasiirka ayaa la sheegay in uu dhaawac soo gaaray xilli uu degaankaasi u tagay sidii loo kala dhex gali lahaa beellaha Walaalaha ee halkaasi ku dagaallamaya.

Waxaa la geeyay Isbitaal ku yaalla Cadaado oo uu ugu dambeyntii ku geeriyooday Sidda ay xaqiijiyeen Qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta Galmudug.

Waxaa uu ka mid ahaa Guddi maalmihii lasoo dhaafay ku howlanaa sidii loo joojin lahaa dagaalka, islamarkaana beellaha walaalaha loo heshiisiin lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.