Home Afsomali Wasiir khaliif Cabdi Cumar (xanfareesh ah ) oo Kala direy rugtii ganacsiga...

Wasiir khaliif Cabdi Cumar (xanfareesh ah ) oo Kala direy rugtii ganacsiga iyo warshadaha ka dib markii ay isbaaro lacago lagu qaado ay dhigatay airporka Muqdisho

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya Khaliif Cabdi Cumar ayaa kala diray Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed, isagoo magacaabay Guddi Kumeel gaar ah oo ka socda Shirkadaha Ganacsiga.

Guddiga KMG ee la magacaabay ayaa isugu jira Guddoomiye, labo Kuxigeen iyo 30 xubnood ka kala socda Shirkadaha Ganacsiga dalka.

Sababaha loo kala diray Maamulka Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa lagu sheegay dib u habeyn lagu sameeyo rugta iyo arrimo kale.

Guddiga Kumeel gaarka ee Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa sii wadaya xil howleedka Ganacsiga iyo diyaarinta doorasho maamul hufan oo ay yeelato Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed muddo ku siman 60 cisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.