Home Afsomali Wasiir Xil u Magacaabay Malxiiskiisii Xiligii Doorashada

Wasiir Xil u Magacaabay Malxiiskiisii Xiligii Doorashada

Wasiirka Qorsheynta Xukuumada Somalia Max’uud Cabdiraxmaan Beene-beene ayaa xil sare u Magacaabay malxiiskii kula tartamay doorashadii xubnaha Golaha shacabka BFS ee la qabtay sanadkii hore.

Wasiir Beenebeene ayaa xilka ka qaaday Saciid Maxamuud Axmed oo ahaa Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyada ee wasaaradda Qorsheynta ee Xukuumadda Soomaaliya, isagoo xilkaasna u magacaabay Aadan Qaasim Maxamuud oo ay isku beel ka soo wada jeedaan, sidoo kalena ahaa malxiis u ahaa doorashadii uu ku soo baxay ee Xildhibaanada Golaha shacabka.

Arrintan oo si weyn looga hadal hayo baraha bulshada ayaa siyaabo kala duwan looga falceliyey, dadka qaar ayaa talaabada wasiirka dhaliiay iyagoo ku tilmaamay inuu ku kacay eex iyo nin jecleysi qabyaaladeysan, halka qaar kalena ay wasiirka ku amaaneen inuu yahay nin karmeed dadkiisa ka war haya oo ka fiican masuuliyiin kale oo aan dadkooda waxba u tarin.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA MAGAABISTA

Previous articleTaliya qeybta barista danbiya ee CID Cabdifataax Cali hersi barre ayaa galka dacwad lid ku ah ciidamada ATMS ku wareejiyey Xafiiska Xeer ilaalinta ee Maxkamda Ciidamada qalabka sida
Next articleAl Najax Al Kheyriya Dalada hormarinata macalimiinta dugsiyada barashada iyo xifdinta quraan kariimka oo dib u eegis lagu sameey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.