Home Afsomali Wasiir xukuumada soomaliya ka tirsanaa oo goor dhaweyd Muqdisho lagu toogtay iyo...

Wasiir xukuumada soomaliya ka tirsanaa oo goor dhaweyd Muqdisho lagu toogtay iyo Madaxda Qaranka oo ka tacsiyeysay geeridii

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay dilka caawa fiidkii magaalada Muqdisho gaar ahaan meel aan ka fogeyn xarunta madaxtooyada  loogu geystay wasiirkii howlaha guud iyo dib u dhiska ee dowladda federaalka Soomaaliya Cabaas Cabdulaahi Sheekh Siraaji.

Ilaalada wasiirka ayaa lagu waramayaa in is rasaaseyn ay dhaxmartay ciidamo ilaalo u ahaa mas’uul ka tirsan dowladda oo aan ilaa iyo hadda la xaqiijin qofka u ahaa kadib markii ay kala shakiyeen waxaana is rasaaseynta labada dhinac ku geeriyooday wasiirka.

Hasse ahaatee warar kale oo ku saabsan dilka wasiirka ayaa sheegaya in dabley hubeysan rasaas ku fureen gaariga uu la socda wasiir Cabaas gacanta lagu dhigay.

Lama sheegin khasaare intaa dhaafsiisan hasse ahaatee wasiirka oo la socday gaari Prado ah ayaa la sheegay in ay haleeshay u muuqatay mid leys weydaarsanayo, sida goob joogayaal sheegeen.

Madaxda Qaranka ayaa tacsi tiiraanyo leh u direy qoyskii iyo shacabka Soomaaliyeed geeridii naxdinta laheyd ee Wasiirkii Howlaha Guud Marxuum Cabaas Siraaji oo caawa fiidkii xabad gaarigiisa lagu furay darteed u geeriyooday.

Wasiir Cabaas Siraaji waxuu ahaa xidig soo baxaya oo iftiimaya lahaana mustaqbal ifaya. Marxuum Cabaas waxuu tusaale fiican u ahaa dhalinyarada Soomaaliyeed, madaxda Qarankana aad bey ugu hanweynaayeen.

Wasiirka Warfaafinta Mudane Eng. Yarisow ayaa yiri “Wasiir Cabaas Siraaji waxuu ahaa shaqsi dhalinyaro ah oo si aad ah uga dhexmuuqday golaha wasiirada. Waxuu ahaa shaqsi leh mustaqbal wanaagsan. Waxuu ka mid ahaa dhalinyaradii xerada Qaxootiga Dhadhaab ku soo koray oo wax ku soo bartay, ka dibna dalkiisa hooyo dib ugu soo laabtay si uu waddanka wax ugu qabto.”

Madaxda Qaranka ayaa dhammaan shacabka ka codsaday inay murugada naxdinta leh la qeybsadaan qoyskii marxuumka iyo dhammaan dhalinyarada Soomaaliyeed oo uu u ahaa tusaale fiican oo aad uga dhexmuuqday golaha wasiirada. Wasiir Cabaas maanta ayuu Muqdisho ku daahfuray Mashruuca Tayeynta Shaqaalaha oo uu maalgelin uga soo helay Bankiga Horumarinta Afrika.

Innaa Lillaahi wa Innaa Illaahu Raajicuun, Geeridu waa xaq, Wasiirkii Howlaha Guud waqtigiisa ayaa dhamaaday, falka geeridana baaris baa lagu sameyn doonaa oo shacabka lala wadaagi doonaa sida wax u dhaceen.

Alle u naxariisteen Cabaas Siraaji oo ahaa nin dhalinyaro ayaa dhinaca kale ka mid ahaa xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ee laga soo doortay magaalada Kismaayo.wuxuuna ahaa raxan weyn Hubeyr
DHAMAAD.



Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.