Home Afsomali Wasiirad xiligii foosheeda ispitalka ku tagtay baaskiil arnabadaa

Wasiirad xiligii foosheeda ispitalka ku tagtay baaskiil arnabadaa

Haweeneyda wasiiradda haweenka ka ah dalka New Zealand ayaa baaskiil ku aadday isbitaalka si ay ugu soo umusho cunugeeda ugu horreeya, ka dib markii ay u dhammaadeen 42 isbuuc.

Julie Genter oo siyaasad ahaan ka tirsan xisbiga Green Party ayaa sheegtay in ay baaskiilka qaadatay si looga soo umuliyo sababtoo ah “Ma jirin boos ku filan oo ay ka heli kartay gaariga”

Waxa ay barteeda Instagram-ka ku soo bandhigtay sawirro laga arkayo iyada iyo odageeda oo kala wata labo baaskiil, oo waliba u muuqda in ay ku raaxeysanayaan “baaskiil waditaanka quruxda badan ee subaxa Axadda”

Bishii Juun ayay ahayd markii ay haweeneyda ra’iisul wasaaraha ka ah dalkaas New Zealand, Jacinda Ardern, noqotay hogaamiyihii labaad ee dunida oo iyadoo xilka heysa umushay.

Ra’iisul wasaaradda iyo wasiiraddaan ayaa labaduba waxa ay ku umuleen hal isbitaal oo dadweynaha loogu tala galay oo lagu magacaabo Auckland City Hospital.

Ms Genter oo ku dhalatay dalka Mareykanka ayaa horay Instagram-ka ugu shaacisay in ay uur leedahay, iyadoo sheegtay in ay heli doonto qof kale oo ku soo biira kooxda baaskiil wadidda, kaasoo ay ula jeedday cunuga ay dhali doonto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.