Home Afsomali Wasiirada Magacaaban oo Golaha Shacabka codka kalsoonida uga raadinaya Xukuumadda

Wasiirada Magacaaban oo Golaha Shacabka codka kalsoonida uga raadinaya Xukuumadda

 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xalay hoygiisa ku qaabiley Wasiirada magacaaban ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya islamarkaana kasoo kasoo jeeda dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Guddoomiyaha ayaa xubnahan wasiirada ah ee magacaaban ugu hambalyeeyay mus’uuliyada loo magacaabay,isagoo u rajeeyay inuu alle u fududeeyo howlaha adag ee sugaya,waxa uuna kula dardaarmay in ay si daacadnimada ah oo ay wadaniyad ku dheehantahay ugu adeegaan dalka iyo dadka.

Wasiirada Magacaaban ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka ka dalbaday in uu kala Shaqeeyo sidii golaha Shacabka u siin lahaayeen codka kalsoonida, si loo dardar geliyo howlaha Shaqo ee dowladda.

Tan iyo markii lagu dhawaaqay Golaha Wasiirada ayaa waxaa ay wadeen dadaalo ay Golaha Shacabka uga raadinayaan codka kalsoonida, iyaga si kala gooni gooni ah ula kulmayay Xildhibaannada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.