Home Afsomali Wasiirada Magacaaban oo wada kulamo kalsooni raadin ah

Wasiirada Magacaaban oo wada kulamo kalsooni raadin ah

 

Waxaa si isdaba-joog ah magaalada muqdisho ay kulamo uga socdaan Wasiirada Magacaaban ee Xukuumadda Soomaaliya iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka, kulamadaas oo wasiirada ay cdka kaslonida ku raadsanayaan.

Kulamada oo shalay soo billaawday ayaa ka dambeeyay kadib markii Ra’iisul Wasaare Xame uu ku wargeliyay Wasiirada cusub in mid walba uu codka kasloonida ka raadsado Xildhibaannada ku matala Golaha Shacabka.

Qaar kamid ah Golaha Wasiirada Magacaaban ayaa soo badnhigay kulamo gaar gaar ah oo ay la yeesheen Xildhibaannada ku matala golaha Shacabka, kuwaas oo kala ah, Amniga Axmed Macalin Fiqi, Wasiirka Duulista Hawada Fardowsa Cigaal, Wasiiru dowlaha Wasaaradda Qorsheynta Cabdirashiid Jire Qalanle iyo Wasiiro kale.

Sidoo kale waxaa la filayaa in saacadaha soo socda Muqdisho ay kulan ku yeeshaan qaar kamid ah Golaha Wasiirada ee Magacaaban iyo Xildhibaannada Golaha Shacabka, sidoo kalena Xukuumadda cusub dhawaan la horeyn doono Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Previous articleSAWIRO:-Ciidamo ka qeyb qaadanaya la dagaalanka Al-Shabaab oo Maanta tababar loo soo xiray
Next articleMadaxweyne ku-xigeennada Jubbaland iyo Galmudug oo qaadacay Golaha Wasiirada Magacaaban

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.