Home Afsomali Wasiirka amniga cumputarada jabaan oo aan weligii cumputar isticmaalin

Wasiirka amniga cumputarada jabaan oo aan weligii cumputar isticmaalin

Wasiirka cusub ee amniga combiyuutarrada Japan ayaa dalkiisa ka yaabiyay markii uu sheegay in uusan waligii kombiyuutar isticmaalin.

Yoshitaka Sakurada ayaa arrinkaas qirtay isaga oo la hadlaya guddi baarlamaanka ka tirsan “Tan iyo markaan 25 jirka ahaa een madaxa bannaanaa waxaan awaamiir siin jiray shaqaalahayga iyo xoghayeyaashayda. Intaan noolaana waligay kombiyuutar ma isticmaalin,” ayuu yiri sida ay qortay wakaaladda wararka ee Kyodo.

Ninkan oo 68 jir ah ayaa xilkan loo magacaabay bishii hore.

Masuuliyaddiisa waxaa ka mid ah in uu dusha kala socdo u diyaar garawga sugidda amniga kombiyuutarrada dalkiisa maadaama oo Tokyo lagu qabanayo ciyaaraha Olombikada sannadka 2020.

 

Masato Imai oo ka mid siyaasiyiinta xisbiga mucaaradka ah ee Democratic Party oo su’aal uu waydiiyay ay ka dhalatay jawaabtan ayaa sheegay in uu yaabay.

“Waxay ila noqotay wax aan la rumaysan karin in ruux masuul ka ah ammaanka kombiyuutarrada uusan waligii isticmaalin kombiyuutar,” ayuu yiri.

Balse Sakurada ayaa sheegay in masuuliyiinta kale ee la shaqaynaysa ay leeyihiin khibrad ku filan, uuna ku kalsoon yahay in uusan wax dhib ah dhacaynin.

Sikastaba ha ahaatee su’aal dabo socotay su’aashii hore oo ahayd in USB uu sababay mashaqadii ka dhalatay shirkadda korontada ee nukliyeerka ku shaqaysa ayaa walaac sii dhalisay.

Arrintan ayaa dood kulul ka dhalisay baraha ay bulshadu ku xiriirto dadka ayaana aragtiyo kala duwan ka dhiibtay iyadoo qaarna ay la yaabeen qaarna ay maad ka dhigteen, dadka qaar ayaana sheegay in ugu yaraan aan wasiirka macluumaad laga xadi doonin maadaama oo uusan kombiyuutar isticmaalin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.