Duca
Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale; ayaa faray laamaha amniga ee Muqdisho in ay shaqeeyaan maalinta Jimcada ah ee soo socota’ islamarkaan Axadda ay u keenaan sababta loo qaban waayay dadkii weerarka ka geystay Jidka Via Roma ee degmada Xamarweyne shalay, kuwaas oo dilay Wiilkii guddoomiyaha ururka haweenka qaranka Batuul Gaballe iyo Xoghayihii Ururka Haweenka Qaranka Canab Cabdullaahi Xersi.
Sidoo kale,Wasiirka Amniga ayaa carabka ku dhuftay iney jiraan baaritaan ku socdo mas’uuliyiin ka tirsan laamaha amaanka oo falkaan lala xiriirinayo,islamarkaana ay dhici karto haddii ay ku cadaato iney xilkooda ku waayaan.
Wasiirka Amniga” Mas’uuliyiin ka tirsan laamaha amniga ayaa u xiran falkii lagu dilay Xoghayihii Ururka Haweenka Qaranka”
Wasiir Islow ayaa 4; qodob haddii aanay dhicin ku tilmaamay arrin fashil ku ah laamaha nabadgelyaada, kwaas oo kala ah
- In maalinka Axadda haddii la keeni waayo 4; Askari oo ka maqneyd Isgosyka Via Roma, iyo sababta ay uga maqnaayeen shaqada ay saraakiil badan galaan xabsi
- In la helo sababta loo qaban waayay dadkii weerarkaas geystay, haddii kalana ay xilka ku waayi doonaan madax uu wasiir Islow kamid yahay
- In la caddeeyo sababta uu u baxsaday gaariga laguu adeegsaday weerarka iyada oo ciidanka y u xiran yihiin illaa KM5
- In la sheego sababta aanay u difaacin askartii joogtay xilligii weerarku dhacay
Waxaa uu intaas raaciyay in Hay’adaha amniga ay fashil ku tahay in Xamarweyne dil inta lagu geysto lana baxsado isaga oo xusay in ilaa KM5 ay Ciidamada u xiran tahay islamarkaana Gaari kasta ay qasab ku tahay in uu maro Waddamada Laamiga ah ee ay Ciidamada joogaan.
Wasiirka ayaa Taliska Booliska ka dalbaday in ay meel ku sheegaan 4 ka mid ah 7 Askari oo ku qornaa amniga Isgoyska Via Roma oo xilliga weerarka dhacayay maqnaa,halka saddexda joogtayna aysan ka jawaabin.
Wasiir Islow waxaa uu ka hadlayay Xarunta Jen Kaahiye oo maanta lagu soo bandhigay3;Qof oo lagu eedeeyay in ay Dukumiintiyo been abuur ah daabacayeen,kuwaas oo amniga magaalada dhibaato ku hayay.