Home Afsomali Wasiirka Arrimaha Dastuurka oo gudoomiyay shir u dhaxeeyay UNka iyo qaar kamid...

Wasiirka Arrimaha Dastuurka oo gudoomiyay shir u dhaxeeyay UNka iyo qaar kamid ah Wasaaradaha Xukuumadda

Shir u dhaxeeyay Wasaaradaha Arrimaha Dastuurka, Amniga, Cadaladda, Arrimaha Gudaha iyo Federaalka iyo qaar kamid ah hay’adaha UNka ayaa maanta waxa uu ku qabsoomay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS.

Shirka oo uu gudoominayay Wasiirka Arrimaha Dastuurka Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa waxaa looga dooday dhameeystirka dastuurka iyo sidii xal-looga gaari lahaa qodobada masiiriga ah ee u baahan in wada-xaajood siyaasadeed laga gaaro.

Ugu horeyn, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Maxamed Abuukar Zubeyr ayaa waxaa uu ka qaybgalayaasha shirka u sameeyay soo jeedin ku saabsan qorshaha guud ee Wasaaradda ee ku aadan dhameeystirka dastuurka bartamaha sanadkan 2020ka.

Wasiir Saalax Axmed Jaamac oo ka hadlay shirka ayaa sheegay in Xukuumadda Federaalka ay ka go’antahay dhameeystirka dastuurka iyada oo loo marayo hannaan wadatashi.

“Waxaa naga go’an dhameeystirka dastuurka inaga oo kaashaneyna wasaaradaha dowladda dhexe iyo kuwa gobolada ee ay quseeyaan inay soo dharaadhiriyaan qodobada dastuurka ee u baahan in xal siyaasadeed laga gaaro, sanadkan waxa aan dooneynaa inaga dowaladda dhexe iyo dowlad goboleedyada oo wadajira inaan dastuurka qabyo tirno” ayuu yiri Wasiirka.

Dhanka kale, waxaa shirka ka hadlay agaasimayaasha guud ee Wasaaradihii ka soo qaybgalay shirka iyo masuuliyiin ka socday UNka iyaga oo sheegay inay Wasaaradda Dastuurka kala shaqayn doonaan fulinta qorshaha u degsan sanadkan.
Ugu dambayn, waxaa lagu ballamay in la dardargeliyo howlaha dhemeeystirka dastuurka iyada oo lagu shaqeeynayo hannaan wadatashi oo lala sameeynayo shacabka Soomaaliyeed.

b6631d2e-5ff1-4467-9baf-d9ea6ed2923d
42412941-1500-46bd-9934-56415d001eef
2d850e2b-0858-4f4f-94f8-04f666d23b61
32f74102-3512-4e41-a9f8-3f7f9ae74f94

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.