Home Afsomali Wasiirka Caafimaadka oo ka hadashay Masuliyiin Cafimaad oo la xirey

Wasiirka Caafimaadka oo ka hadashay Masuliyiin Cafimaad oo la xirey

Dhawaan waxaa la xirey Agaasimaha qeybta Maaliyadda ee Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya,kaas oo la sheegay in loo heysto arrimo la xiriira lacago loogu talo galay COVID 19 oo la musuq maasuqay,waxaana maanta ka hadashay wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya.

Wasiir Fowsiya oo shir jaraa’id ku qabatay Magaalada muqdisho ayaa waxaa ay sheegtay in Agaasimaha oo lagu Magacaabo Maxamuud Maxamed Buulle la xirey 4-tii Bishaan xilli habeen ah,isla markaana ilaa iyo hadda aan lala wadaagin sababaha loo xirey.

Waxaa ay hadalkeeda intaasi ku dartey inay socdaan baaritaano ku aadan sababta loo xirey,isla markaana arrintaasi ay kala kaashanayaan xeer ilaalinta Qaranka,Hanti dhowrka,iyaguna ay diyaar u yihiin baaritaan waafi ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.