Home Afsomali Wasiirka Gaadiidka oo Ganacsade Qoyskiisa ah Qandaraas Sharci Darro ah Ku...

Wasiirka Gaadiidka oo Ganacsade Qoyskiisa ah Qandaraas Sharci Darro ah Ku Siiyey Lacag Dhan $325000 dollar iyo Qandaraaska oon La Marin Guddida Qandaraasyada Qaranka.

 Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ee Somaliland Md. Cabdillaahi Abokor Cismaan, ayaa sifo sharci darro ah wuxu qandaraas ku kacaya $325,000 dollar uu ku siiyey ganacsade ay isku qoys yihiin oo magaciisa la yidhaa Candiwahaab Xaaji Muxumed Aw-Caqli. Waxaana uu qandaraaskani ku saabsan yahay gaadiid iska roggooyin ah oo laga iibinaayo Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka Somaliland. 
Qandaraaskan oo la kala saxeexday bishii May 23keedii 2019, ayaan la marin Guddida Qandaraasyada Qaranka ee Somaliland, isla mar ahaantaana aan loo gelin tartan furan oo xalaal ah, waxaana ganacsadahu uu ku soo iibinayaa Shan Iska-rogo oo ah nooca loo yaqaano Sino Truck iyo weli ba hal grader.
Sida ku xusan waraaqda heshiiska ah ee ay kala saxeexdeen Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Somaliland iyo ganacsade Ina-Aw-Caqli, ayaa ganacsadahu wuxu iska-roggooyinka uu midkii ba ku soo iibinayaa lacag dhan $48000 dollar halka grader motor kana lagu soo iibinaayo $85000 dollar. 
Xukuumadda Madaxweyne Biixi, ayaa marar badan sheegta in kharashaadka wax lagu soo iibinaayo ee ka badan $5000 dollar la marin doono guddida qandaraasyada si ay shacabku ugu tartamaan balse arrintan, ayaa mid muujinaysa sida ay u jiraan qandaraasyo si hoose looggu naas nuujiyo dadyowga ay danaha ka lee yihiin Madaxda dawladda kuwaasi oo ku xusha hab reernimo ah.
Lasoco qandaraasyo kale oo qaar ka mid ah uu siiyay waaiirku xaaskiisa. Todobadka soo socda!!!!
Warqadihii Heshiiska Labada dhinac

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.