Home Afsomali Wasiirka gaashaandhigga oo sagootiyay ciidamo cusub oo ku biiraya furimaha dagaalka Alshabaab

Wasiirka gaashaandhigga oo sagootiyay ciidamo cusub oo ku biiraya furimaha dagaalka Alshabaab

Wasiirka gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur ayaa magaalada Muqdisho ka sagootiyay guutada 24aad oo loogu magac daray Khaalid Binu Waliid.

Ciidamadan ayuu wasiirku sheegay inay ku biiriyaan furimaha dagaalka Alshabaab. Wuxuu sheegay in looga fadhiyo inay guul ka gaaraan dagaalka Alshabaab oo ay dowladdu waqti galisay.

Ma sheegin wasiirku halka ay ciidamadan ku wajahan yihiin. Hase yeeshee diristooda waxay kusoo aadaysaa xilli dowladda lagu dhaleeceeyay inay hakisay dagaalka ka dhanka ah Alshabaab.

Hakinta dagaalka ayaa keentay inay Alshabaab weeraro abaabulan ka geystaan goobaha ciidanka dowladdu ay xoreeyeen bilihii ugu dambeeyay.

Wasiirku wuxuu u sheegay ciidamadan in laga sugayo inay dagaalka Alshabaab kasoo hoyaan guul ama geeri. Wuxuu sheegay in laga sugayo inay culayska Alshabaab ka dulqaadaan shacabka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.