Home Afsomali Wasiirka Gaashaandhigga oo u digay Ciidamada howlgalka ka wada Gobolka Hiiraan

Wasiirka Gaashaandhigga oo u digay Ciidamada howlgalka ka wada Gobolka Hiiraan

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ( jaamac) oo booqasho kujooga degaannada Gobolka Hiiraan oo Ciidamada dowladda howlgallada ka wadaan ayaa sheegay in Al-Shabaab ay dhibaato ku hayaan Shacabka

Wasiirka oo hadal u jeedinayay Boqolaal kamid ah Ciidamada xoogga dalka & kuwa degaanka ayaa sheegay in howlgallada socda ay hormuud u yihiin dadka degaanka si loola dagaalamo Ururka Al-Shabaab, loogana baahan yahay  inay degaankooda ilaashadaan.

Wuxuu u ballan qaaday ciidamada degaanka ee is hubeeyaan inay dowladda ka taaeeri doonto dhinacyada amniga iyo baahiyaha ay qabaan bulshada si adeegyadii bulshada loogu soo celiyo degaannada Al-Shabaab lag saaray.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ( jaamac) waxaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in uu uga digayo Ciidamada degaanka iyo kuwa dowladda in dhexdooda la iska horkeeno si loo wiiqo dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab.

Hadalka Wasiirka Gaashaandhigaga Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli weli degaano katirsan gobolka Hiiraan ay Ciidamada dowladda ka wadaan howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.