Home Afsomali Xildhibaan Danjire Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh: AMISOM waa Nabad dhaliyayaal

Xildhibaan Danjire Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh: AMISOM waa Nabad dhaliyayaal

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ku tilmaamay ciidanka AMISOM nabad-dhaliyayaal halka markii hore ay ka ahaayeen Nabad ilaaliyaal.

Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan Wasiirka Gaashaandhiga Dowladda Soomaaliya ayaa marka hore sheegay in Kooxda Argagixisada Al-Shabaab cabsi xoogan ay ku reebtay howlgalada ay qaadayaan Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee DANAB,kuwaasoo saldhigyadooda ku weerara Saraakiisha iyo dagaalyahanada Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay Wasiirka in howlgaladaan Al-Shabaab ay ku qasbeen iney noqdaan baxsad iyo khilaaf dhexdooda hareeyay,wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay iney garab istaagaan Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee howdka ugu jira ciribtirka Kooxda Nabad diidka ah ee xiriirka la leh Al-Qaa’ida.

Sidoo kale,Wasiirka Gaashaandhiga Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan oo ka hadlayay bixitaanka Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ayaa sheegay in mar waliba ay qasab tahay in ciidamada AMISOM ka baxaan Soomaaliya loona baahan in aan isku tashano lana tayeeyo Ciidamada Qaranka.

” Ciidamada AMISOM marka hore waxay ahaayeen Nabad ilaaliyaal (Peace Keaping) balse hadda waxay yihiin nabad dhaliyeyaal,taasina waxaa keentay xaalada dalka ka jirta,waxayna AMISOM ku howlgalaan Mandate,” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga oo wareysi gaar ah siiyay Warbaahinta Qaranka.

Ugu danbeyntii,Wasiirka Gaashaandhiga ayaa qiray in qiimeyn lagu sameeyay Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed muujineyso iney jiraan baahiyo badan oo dhanka ciidanka ah ay qabaan Xoogga dalka Soomaaliya,islamarkaan Dowladda Soomaaliya ay xoogga saareyso sidii wax looga qaban lahaa baahiyaasi jira.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii loo tayeyn lahaa Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed si ay amaanka guud ee dalka ugala wareegaan AMISOM marka uu waqtiga joogitaankooda Soomaaliya uu idlaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.