Wasiirka Gaashaandhigga XFS iyo wasiiru dowlaha wasaaradda iyo wasiir ku xigeenka wasaaradda iyo agaasimaha guud ee wasaaradda ayaa maanta kulan la qaatay la-taliyaha Ra’iisul wasaaraha ee dhinaca arrimaha amniga Kamaal Guutaale.
Kulankaan ayaa loogu wada hadlay qorshaha XFS ee Dan-qaran ee dhinaca amniga, gaar ahaan dib u habeeynta dhismaha ciidanka xoogga dalka, qorshe hawleedka tiirka dib u xoreynta iyo dardargelinta fulinta qorshaha XFS.