Home Afsomali Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan miro-dhal...

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Wasiirka Gaashaandhiga

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay Wasiirka Gaashaandhiga Jamhuuriyadda Jabuuti, mudane Xasan Cumar Maxamed (Burhaan) iyo Taliyaha Ciidamada qalabka sida ee dalkaas, Jeneraal Sakariye Sheekh Ibraahim.
Wasiir Cabdulqaadir oo uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Jabuuti, gaar ahaan ciidamada Hiil walaal, garab istaagga iyo naf-hurnimada ay u muujiyeen shacabka iyo dowladda soomaaliyeed ayaa soo bandhigay guulaha muuqda ee laga gaaray dagaalka dalka looga xoreynayo Argagixisada.
Wasiirka ayaa tilmaamay muhiimadda in labada dal ee walaalaha ah ay si dhow isaga kaashadaan ciribtirka Argagixisada, si nabad, horumar iyo barwaaqo ay ugu noolaadaan shucuubta soomaaliyeed iyo guud ahaan tan gobolka.
Dhankiisa, Wasiirka Gaashaandhiga Jamhuuriyadda Jabuuti, mudane Xasan Cumar Maxamed (Burhaan) ayaa sheegay in dowladda iyo shacabka Jabuuti ay si buuxda u garab taaganyihiin halganka shacabka iyo ciidamada Xoogga dalka Soonaaliyeed ay dalka kaga sifeynayaan nabad-diidka Al-shabaab, isaga oo hoosta ka xarriiqay in nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay aas-aas u tahay nabadda Gobolka iyo Adduunka, sidaas daradeed ay ka go’antahay dalkiisa in ay ka gacan siiyaan dowladda Soomaaliya xaqiijinta amniga iyo ladagaallanka argagixisada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.