Home Afsomali Wasiirka Ganacsiga  XFS oo Safiirka Turkiga Kala Hadlay Dhammeystirka Heshiiska Iskaashiga Dhaqaalaha...

Wasiirka Ganacsiga  XFS oo Safiirka Turkiga Kala Hadlay Dhammeystirka Heshiiska Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Ganacsiga(TEPA) ee Soomaaliya iyo Turkiga+SAWIRO

Muqdisho(WG&W-XFS):-Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Md. Khaliif Cabdi Cumar oo  booqasho ku tagay xarunta safaaradda Turkiga ee Muqdisho, ayaa halkaas kulan kula qaatay safiirka dawladda Turkiga u qaabilsan Soomaaliya Amb Mahmet Yilmaz.

Wasiirka oo ay wehelinayeen mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda, ayaa waxay Safiirka ka wada-hadleen dar-dar-gelinta iyo dhammeystirka heshiiska iskaashiga dhaqaalaha iyo ganacsiga ee u dhaxeeya dawladaha Soomaaliya iyo Turkiga ee TEPA kaas oo ahmiyad weyn u leh kobaca dhaqaalaha, shaqo-abuurka, ganacsiga iyo maal-gashiga labada wadan. Waxaana ay isla-garteen dhisidda guddi farsamo oo ka shaqeysa saxar-tiridda iyo dhammeystirka heshiiskaasi ka hor inta aan la saxiixin.

Dhinacyadu, waxa kale oo ay ka wada-hadleen dheeli-tirka ganacsiga labada wadan, dhiiri-gelinta iyo kor-u-qaadista wax-dhoofinta iyo in suuqyo ganacsi loo helo wax-soo-saarka Soomaaliya gaar ahaan in dalagyada ka soo go’a beeraha Soomaliya si toos ah looggu iib geeyo suuqyada wadanka Turkiga.

Md. Khaliif Cabdi Cumar, ayaa dawladda aan walaalaha nahay ee Turkiga iyo shacbigeeda ba ku amaanay doorka wanaagsan ee ay ka qaateen horumarka iyo dib-u-dhiska wadanka Soomaaliya, waxaana uu rajeeyey in sida ugu dhakhsiyaha badan guul loogga gaadhi doono dhammeystirka heshiiska TEPA ee u dhaxeeya labada wadan maadaama muddooyinkii dambe laga shaqeynaayey heshiiskaasi.

Ambassador Mahmet Yilmaz, ayaa dhankiisa wuxu Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya uu ku boggaadiyey dedaalka uu ugu jiro horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga ee Soomaaliya, waxaana uu sheegay inay ka dawlad ahaan ay ka go’an tahay inay mar walba bar-taagnaadaan walaalahooda Soomaaliya isaga oo carabka ku adkeeyey in heshiiska TEPA uu kor u qaadi doono iskaashiga dhaqaalaha iyo ganacsiga ee Soomaaliya iyo Turkiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.