Home Afsomali Wasiirka ganacsiga xildhibaano iyo siyaasiyiin ku baaqay in la joojiyo dagaalka ka...

Wasiirka ganacsiga xildhibaano iyo siyaasiyiin ku baaqay in la joojiyo dagaalka ka socda

Kulankan oo isugu jiray tacsi iyo baaq nabadeed oo ku wajahan beelo walaalo ah oo ku dagaalamaya deegaanka Dhumay ee  gobolka Sool, ayaa waxaa ka soo qeyb galay wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan golaha shacabka kuwaas oo ka damqaday colaada xilligan taagan oo sababtay dhimasho iyo dhaawac.

Innaa Lillaahi wa innaa Ileyhi Raajucuun, Anigoo ka xun colaadda, dilka iyo dhaawaca ka dhacay degaanka Dhumay ee Gobolka Sool oo dad walaalo ahi isku xasuuqeen, waxaan ka codsanayaa dawladda dhexe iyo Maamuladda saameyn ciidan ama mid dhaqan ku dhex geli kara beelahaas in ay taas si degdeg ah u sameeyaan si aan dhimasho iyo dhaawac kale u dhicin. Isla markaana waa in si dhaqso ah loogu gurmadaa dadkii waxyeeladu gaadhay ama qaxay ee Gargaarka Bini’aadninimo u baahan. Wasiir Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye)

Xildhibaan Axmed Maxamed Axmed iyo Xildhibaan Canab Xasan Cilmi oo ka tirsan golaha shacabka ayaa dadka dagaalamaya ugu baaqay ineey dagaalka joojiyaan si looga baaqsado dhiig dambe oo daata.

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka badda Cabdulaahi Bidhaan Warsame ayaa sheegay inaan loo baahneyn in qof kale uu ku dhinto dagaalkaas oo dhexmaraya dad walaalo ah oo aanan aqoon waxa ay isku dilayaan.

Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa culimada iyo dadka waxgaradka ah ka dalbaday ineey wax walba u sameeyaan sidii dagaalka loo joojin lahaa.

Baaqan nabadeed ayaa daba socda baaq dhawaan ka soo baxay madaxda sare ee dalka kaas oo dadka dagaalamaya looga dalbaday ineey si shuruud la’aana u joojiyaan dagaalka ka socda gobolka Sool oo sababay dhimasho iyo dhawac soo kala gaaray dadka walaalaha ee dagaalamaya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.