Home Afsomali Wasiirka Gashaandhiga Maxamed-Mursal-Sheekh-Craxmaan oo sheegay in ay la wareegayaan dhamaan ciidamadii ay...

Wasiirka Gashaandhiga Maxamed-Mursal-Sheekh-Craxmaan oo sheegay in ay la wareegayaan dhamaan ciidamadii ay tababari jirtay Dowlada Emaaraadka

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Khamiista ah waxa ay la wareegi doontaa Ciidamada Imaaraadka uu tababaray eek u sugan Magalada Muqdisho si ay uga mid noqdaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Ciidamadaan ayaa waxaa horay loo hadal haayey in ay ka ammar qaataan Saraakiisha Imaaraadka Carabta ee ku sugan Muqdisho kuwaas oo tababarka siiyey balse hadalheyntaas ay meesha ka bixi doonto,iyada oo Wasiirka Gaashaandhigga uu shalay sheegay in Xuska Maalinta Ciidanka xoogga dalka ee 12 Apriil ay Ciidamadaas Imaaraadka kala wareegi doonaan.

Waxa uu sheegay in xaquuqda ciidamada ay xilka saaran tahay dowladda Soomaaliya haatana ay diyaarisay qaabkii lagu bixin lahaa mushaaraadkooda.

“Runtii dowladda ayaa masuulka ah xaquuqda ciidanka waana uu socdaa qorshihii ay mushaarkooda ku heli lahaayeen xil ayaana dowladda ka saaran ciidamada meel walba ay joogaan kuwa ku jira xerada Janaraal Golden oo ay Imaaraadka tababareen dowladda ayaa la wareegeysa mushaaraadkooda waana la diyaariyey lambaradooda iyo mushaarkooda waxana ku aadin doonaa 12 Apriil oo ah markii la’aas-aasay Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyed ayuu yiri Wasiir Mursal”

Waxa uu sheegay in Dowladda Imaaraadka Carabta ay uga mahad celinayaan tababarka ay ciiamada dowladda siiso laakin xaquuqdooda iyo daryeelkooda ay masuulka tahay dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.