Home Afsomali Wasiirka Wasaarada Maaliyada Dr Cilmi Maxamed Nuur shaqo joojin Agaasimaha Guud ee...

Wasiirka Wasaarada Maaliyada Dr Cilmi Maxamed Nuur shaqo joojin Agaasimaha Guud ee Daqliga Wasaarada

Wasiirka Maaliyada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cilmi Maxamed Nuur ayaa shaqo ka joojin kusameeyey Xisaabiyaha Guud ee Dowladda Maxame Cabdiraxmaan Anas iyo Agaasimaha Dakhliga ee wasaarada Maaliyada, isagoo usoo jeediyay eedo waa weyn.

Xisaabiyaha guud oo kamid ah Kooxda Madaxweynaha Soomaaliya, dhawaana lamagacaabay ayaa lagu eedeeyey dambiyo waa weyn oo ay kamid yihiin in uu toos u damiyey Systemkii SFMIS ee Canshuuraha Berriga ee dalka, curyaamiyey bixinta Mushahaaraadka dawladda oo dhan.

Ilo u dhuun daloola ayaa sheegay inuu falkaani yahay bilow is jiid-jiid ka bilowday magacaabida xubnaha Canshuuraha Berriga oo uu diiday shaacintooda Madaxweyne Xassan Sheekh, waxayna xubnahan shaqada laga joojiyey la safteen Madaxweynaha.

Habayaraatee Villa Somalia, lama siinin wax ogaysiin ah, taas bedelkeeda Xaafiiska Ra’iisulwasaaraha ayaa la gaarsiiyey waraaqahan.

Wasiirka ayaa Xisaabiyaha guud si ku meel gaar ah ugu magacaabay  inuu shaqada sii hayo kuxigeenka Cabdirisaaq Maxamed Abukar laga bilaabo maanta 06da Juulyo 2023ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.