Home Afsomali Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga Ahmed Hassan Aden ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda...

Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga Ahmed Hassan Aden ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Shiinaha ee Soomaaliya mudane FEI Shengchao.

Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo kheyraadka badda ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Ahmed Hassan Aden ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha dowladda Shiinaha ee Soomaaliya mudane FEI Shengchao.
Wasiirka iyo danjiraha ayaa ka wahadalay xoojinta kaalinta kaga aadan wasaaradda iskaashiga faa’iido wadaagga ah ee ka dhaxeeya labada, abuuridda jawi wadanasheyneyd oo cusub iyo in la iska kaashado sidii looga hortagi lahaa kalluumeysiga sharci daradda ah ee ay dowladaha shisheeye ka sameeyaan badda Soomaaliya.
Wasiirka wasaaradda kalluumeysiga iyo kheyraadka badda mudane Ahmed Hassan Aden ayaa u sheegay danjiraha in ka wasaarad ahaan ay ka shaqeynayaan in ka hortag xoogan lagu sameeyo kalluumeysiga sharci daradda ah loona baahan yahay in safaaraddu ay kaalinteeda qaadato maadaama shirkaddaha ugu badan ee sharci u haysta in ay ka kalluumeystaan badda Soomaaliya ay yihiin kuwo laga lee yahay dalkooda. isaga oo intaa ku daray in shati aan ka soo bixin wasaaradda ay u aqoonsan yihiin wax kama jiraan ciddii ku kalluumeysatana ay ku jirto liiska kuwa sharci daradda lagu eedeynayo.
Wasiirka iyo danjiraha ayaa sidoo kale isla gartay in la xoojiyo wada shaqeynta labada dhinac iyadoo lagu ballamay in ay dhacaan kulamo kale oo lagu dhameystirayo wadahal ka mira dhalka ah ee ay yeesheen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.