Home Afsomali Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo lagu eedeeyay inuu Iibsaday Iskuul Dowladda leedahay

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya oo lagu eedeeyay inuu Iibsaday Iskuul Dowladda leedahay

Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya Dr C/raxmaan Daahir Cusmaan ayaa lagu eedeeyay inuu Iibsaday/Gatay Iskuul Dugsi Hoose iyo dhexe ka kooban oo ay Leedahay Dowladda Soomaaliya, kaas oo ku yaalo degmada Waabari ee gobalka Banaadir.

Guddiga  Adeegga Bulshada ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa warbixin ay u gudbiyeen Golaha Shacabka waxay ku sheegeen in Wasiirka nin ay Saaxiibo yihiin oo ka tirsan Wasaaradda Waxbarashada oo lagu magacaabo C/naasir Maxamed uu ka Iibiyay Iskuulka 20 December ee degmada Waabri sida ay hadalka u dhigeen.

Gudiga Adeega Bulshada ee Golaha Shacabka ayaa sidoo kale soo Bandhigay Warqad Cabasho ah oo ay la soo wadaageen Waaldiinta, Maamulka iyo Macalimiinta Iskuulka la sheegay in la Iibsaday.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.