Home Afsomali Wasiiro ka socda dalalka Ethiopia iyo ertareya oo Muqdisho si aan caadi...

Wasiiro ka socda dalalka Ethiopia iyo ertareya oo Muqdisho si aan caadi aheyn loogu soo dhaweeyey

Wasiiradda Arrimah ina Dibada Dalalka Itoobiya iyo Eritrea ayaa goordhow soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoo masuuliyiin ka tirsan Dowlada Soomaaliya ay kusoo dhaweeyeen Garoonka Aadan Cadde.

Wasiirka Arrimaha Dibada iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad, Wasiiro kale oo ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Safiirka Dowlada Itoobiya ee Soomaaliya ayaa wafdigan soo dhaweeyay.

Wasiiradda Arrimaha Dibada Itoobiya iyo Eritrea ayaa inta ku sugan yihiin Magaalada Muqdisho waxay kulamo kala duwan la qaadan doonaan Madaxda Dalka, iyadoo laga wada hadli doono Xoojiinta Xiriirka iyo sare u qaadida Wada shaqeynta Dowladahaasi iyo Soomaaliya.

Dowlada Soomaaliya ayaa wada shaqeyn xoogan la leh Wadamada Geeska Afrika, Iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu Magaalada Asmara Heshiis Iskaashi kula galay Madaxweynaha Eritrea iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.