Home Afsomali Wasiiro & Xildhibaano ka tirsan Galmudug oo sheegay in Xaaf uusan ku...

Wasiiro & Xildhibaano ka tirsan Galmudug oo sheegay in Xaaf uusan ku metelin shirka Baydhabo (Akhriso)

Wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug oo kulan ku yeeshay Magaalada Cadaado ayaa ka hadlay khilaafka ka dhex aloosan maamulkaas oo hadda labo garab u kala jaban.

Waxaa shirkaas goob joog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey iyo Gudoomiyaha Barlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir.

War-saxaafaed ay soo saareen oo ka koobnaa Afar qodob ayaa waxay ku sheegeen in Madaxweynaha Galmudug iyo madaxda kale ee la socota aysan Galmudug ku metelin shirka amniga Qaranka balse ay soo dhaweynayaan waxyaabaha ka soo baxa.

Madaxweyne xaaf iyo Xubno kale ayey ku eedeeyeen iney diyaarinayaan ciidamo ay ku weeraraan degaanada kale ee Galmudug, iyagoo Dowladda Soomaaliya iyo beesha caalamka ugu baaqay in aan taageero la siinin Madaxweynaha Galmudug oo ay ku eedeeyeen inuu hareer maray dastuurka maamulkaas.

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.