Home Afsomali Wasiirrada Gaashaanshigga Soomaaliya iyo Sacuudiga oo Arrin muhiim ah kawada hadlay

Wasiirrada Gaashaanshigga Soomaaliya iyo Sacuudiga oo Arrin muhiim ah kawada hadlay

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur oo booqasho rasmi ah ku jooga Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa magaalada Riyadh kulan kula qaatay Wasiirka Difaaca Boqortooyada Saudi Arabia Khalid Bin Salman Bin AbdulAziz.

Kulanka dhax maray labada wasiir ee Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah ay kamid yihiin iskaashiga dhanka Difaaca iyo Amniga labada Dal iyo sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal

“Waxaa sharaf ii ahayd inaan la kulmo walaalkay, Amiir Khalid bin Salman bin Abdulaziz, Wasiirka Difaaca ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya. Waxaan ka wada hadalney sida loo xoojin karo xiriirka iyo iskaashiga difaaca iyo amniga labadeena dal ee walaalaha ah, waxaana uga mahad celinayaa soo dhaweynta wanaagsan ee uu noo sameeyay aniga wafdigeyga” Ayuu yiri wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa taageero kala duwan ka raadineysa dalalka Carabta qaarkood, waxa ayna dowladda dalalkaasi inta badan ka codsataa taageere dhaqaale iyo mid dhinaca gaashaandhigga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.