Home Afsomali Wasiirro, saraakiil iyo masuuliyiin kulan saacado qaatay ku yeeshay Stadium Muqdisho

Wasiirro, saraakiil iyo masuuliyiin kulan saacado qaatay ku yeeshay Stadium Muqdisho

Kulan ku saabsan u diyaar garowga iyo isku dabaridka dabaal-daga munaasabadda xuska kowda Luuliyo ayaa waxa uu ka qabsoomay garoonka Stadium Muqdisho oo ah goobta rasmiga ah ee loo asteeyay in uu ka dhaco xuska maalinta qiimaha badan ee munaasabada 1-da Luuliyo.

Kulankani oo ahaa mid waqti badan qaatay ayaa waxaa goob joog ka ahaa guddiga heer qaran iyo heer gobol ee isku dabaridka munaasabadda maalmaha Xorriyadda, taliyayaasha ciidamada qalabka sida iyo bahda Ciyaaraha Dalka.

Guddoomiyaha guddiga u diyaar garowga xuska maalmaha Xorriyadda mudane Ahmed  iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho  Yuusuf ayaa kula dardaarmay madaxdii iyo saraakiishii kulankan ku sugneyd in si daahfuran loo maareeyo munaasabada dabaaldaga maalinta weyn ee 1-da Luuliyo iyo in muwaadiniinta Soomaaliyeed loo fududeeyo ka qeyb galka munaasabadaasi.

https://www.facebook.com/Qolka-Musejisow-157399570949623

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.