Home Afsomali Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Qatar oo Muqdisho si qarsoodi ah ku...

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Qatar oo Muqdisho si qarsoodi ah ku gaaray

Magaalada Muqdisho waxaa gaaray  Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Qatar Sultan bin Saad Al-Muraikhi , waxaana garoonka Aadan Cadde kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan labada gole ee Dowlada.

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda Qatar Sultan bin Saad Al-Muraikhi ayaa  kulan kula kula qaatay magaalada Muqdisho madax katirsan dowlada Soomaaliya uu ku jiro Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khere, waxa ayna kawada hadlayaan xiisada ka taagan Wadamada Khaliihjka Carabta.

Sultan bin Saad Al-Muraikhi ayaa sidoo kale  la qaatay Madaxwenaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, waxa ayna labada dhinac  ka hadleenk khilaafka Khaliijka ka taagan iyo sidii Soomaaliya u taageeri laheed dalka Qadar.

Dowlada Soomaaliya ayaa xiligan ku jahwareersan khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya Wadamada Khaliijka Carabta, waxa ayna Dowlada wali go’aansan la’dahay cida ay la jirsaneyso labada dhinac ee is haya.

War dhawaan ay soo saartay Dowlada Soomaaliya ayaan labada dhinacba lagu taageerin, waxa ayna dowlada sheegtay in ay ka xun tahay khilaafka Siyaasadeed ee ka dhax aloosan Wadamada Khaliijka Carabta, waxa ayna ku baaqday in xal diblumaasiyadeed lagu dhameeyo Khilaafka taagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.