Home Afsomali Wasiiru-Dowlaha Cusub ee Madaxtooyada oo Xafiiskiisa la wareegay

Wasiiru-Dowlaha Cusub ee Madaxtooyada oo Xafiiskiisa la wareegay

 

C/qaadir Macalin Nuur wasiiru-dowlaha cusub ee madaxtooyada ayaa maanta xilka kala wareegay wasiiru dowlahii hore ee madaxtooyadda mudane Mahad Maxamed Salaad.

Munaasabada xilwareejinta oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimey ayaa ka dhacday xarunta madaxtooyadda ee Villa-Soomaaliya.

Wasiiru dowlahii hore ee madaxtooyadda mudane Mahad Salaad ayaa wasiirka cusub kusoo dhaweeyay xafiiska waxa uuna kaga sheekeeyay waxyaabihii u hirgeliyey intuu xafiisk joogay.

Ugu dambeyntiina Wasiiru dowlaha Cusub ee xukuumadda Soomaaliya C/qaadir Macalin nuur ayaa ku ammaanay wasiir Mahad Salaad Howshii uu soo qabtay.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.