Home Afsomali Waxaad aragtaanba dila, Miyaa dawo lagu helaa,

Waxaad aragtaanba dila, Miyaa dawo lagu helaa,

Soomaliyeey taladiina DILA,

Docnaba uma dhaafsanee,

Waxaad aragtaanba dila,

Miyaa dawo lagu helaa,

 ——————————-

Ninkii hore aado dila,

Hadduu dib u harana dila,

Hadduu doc u leexdo dila,

Hadduu dowlad sheego dila,

Hadduu diin wadana dila,

Sajuudda ku daaha dila,

Ka dara oo xishoodka dila,

Dumarka dhulka xaaqi dila,

Ardada iskuulaadka dila,

Islaan canug duudsan dila,

Middii dihaneysa dila,

Horeba waa loo dilee,

Ninkii duunyo heysta dila,

Hadduu dibjir yahayna dila,

Hadduu daarta korana dila,

Hadduu soo degana dila,

Hadduu duub yahayna dila,

Hadduu doctor yahayna dila,

Midkii wax daweeya dila,

Wixii wax ogaada dila,

Intaan wax ogeyna dila,

Ogaalka naftiisa dila,

Si aan waxba loo ogaan.

 ———————————-

Hadaad sidaas doorateen,

Is dila isdaayaa ka wacan,

Dagaalka aad sii wadaan,

Dadku waa dhamaanayaa,

Dalkuna waa wareegayaa,

Waxaana soo dagi dad kale,

Digniin idin siiyayoo,

Dardaaranna iima harin,

Haddiise aad diidan tihiin,

Waxaad aragtaanba dila,

Xitaa idinkoo dhan is dila

Previous articleFull VIDEO Raiisal wasaare Rooble oo isu furey wadooyinkii kala xiraa ee Muqdisho ciidamadiina kala qaaday
Next articleHeshiiskii ay soo dhaweeyeen qadar kenya iyo Dowlada Somalia anigu waa ka shakiyey ee adne ila arag

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.