Home Afsomali Waxaan soo gaarnay in isaaq Jaad Fagaaro ku gubo hawiyane qarsado

Waxaan soo gaarnay in isaaq Jaad Fagaaro ku gubo hawiyane qarsado

Gudiga ka hortaga Cudurka  Covid-19 u qaabilsan Soomaaliland iyo Ciidamada Booliska Gobolka ay uala baxeen Maroodi-Jeex ayaa fagaare ku yaalla Magaalada Hargeysa waxaa ay ku gubeen jaad farabadan.

jaadka oo ka kooban 200 oo Kiilo oo jaadka dheer dheer ah iyo 100 Marduuf,waxaa ay kasoo qabteen Magaalada Bali gubadle,kaas oo laga keenay dhinaca Itoobiya.

Goobta jaadka lagu gubayay ayaa waxaa ku sugnaa Saraaki ka tirsan Ciidamada Booliska Gobolka  iyo Xubno kamid ah Guddiga ka hortagga Cudurka COVID-19 iyo dadweyne daawanayay.

Saraakiisha Ciidamada Booliska ayaa waxaa ay sheegeen in marnaba aysan ogolaan doonin in jaad la soo geliyo deegannada Soomaaliland,iyaga oo digniin u diray Ganacsatada sida qarsoodiga ah jaadka ku keenay.

Tallaabada  Soomaaliland ay ku gubtay jaadka ayaa waxaa ay daba socotay Go’aan kasoo baxay Guddiga ka hortagga Cudurka Coronavirus kaas oo lagu mamnuucay in muddo 25  Maalmood jaad la soo geliyo deegaannada Soomaaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.