Home Afsomali waxay Noqotay ila meereyso doorashada kuraasta taalla Beledweyne & Maamulka Gobolka oo...

waxay Noqotay ila meereyso doorashada kuraasta taalla Beledweyne & Maamulka Gobolka oo digniin Culusu ka soo saaray

Guddiga SEIT ee HirShabelle ayaa maanta shaaciyay shuruudaha laga rabo dhamaan musharaxiinta rabta inay u tartamaan kuraasta ku harsan maamulkaas ee Golaha Shacabka, waxayna ka digtay in lacagta musharaxiinta lagu shubo akoono gaar ah.

Qoraal kasoo baxay guddiga ayaa waxaa lagu sheegay in Musharax kasta uu xaq u leeyahay in uu u tartamo kursiga ku asteysan jufadiisa, taasi oo meesha ka saareysa doonistii qaar kamid ah madaxda sare ee maamulkaas oo rabay inay dad gaar ah u xiraan kuraasta.

 

 

Guddiga ayaa shaaciyay in Musharaxiinta raga ah laga rabo lacag diiwaan-gelin oo dhan Toban kun oo dollar ($10,000), halka Musharaxiinta Dumar ah lag rabo shan kun oo dollar ($5000).

“Ma jirto wax lacag kale ah oo aad ku shubi karto account shakhsiyadeed ama Cash aad la imaaneyso xarunta guddiga Doorashada,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxa kale oo lagu yiri qoraalka kasoo baxay guddiga “Hadii aad la kulanto mid kamid ah guddiga doorashada oo dalbanaya lacag, waxaan u aqoosan doona Tuug khaa’in ah oo aan ku hadli karin afka guddiga sharafta leh ee Hirshabelle. Waxaan diyaar u nahay in aan ku qaadno ciqaabta uu muteysto, waxaana goobta doorashada diyaar kuugu ah xubno ku sifoobay daacadnimo iyo hufnaan kuuna qaban doono shaqadaada insha allah.”

Musharaxiinta ayuu uga digay guddiga waxkasta oo la xiriira laaluush, taasi oo ay sheegen inay ka hor imaaneyso “heshiiska ilaalinta anshaxa Musharaxa oo uu marka hore saxiixo musharaxa u taagan kursi, kaas oo ka mamnuucaya in uu bixiyo laaluush.”

Ugu dambeyntiina waxa qoraalka si cad loogu sheegay in Musharaxa isku daya in uu laaluush bixiyo ama maro sifo ka duwan hanaanka ay u dajiyeen ay ka hor istaagi doonaan doorashadiisa, ama ay ku buri karto niijada doorashada haddii uu kusoo baxo, kuna cadaato wax isdaba-marin.

Madaxda sare ee maaamulka HirShabelle oo toddobaadkii u dambeeyay isku hayay doorashada kuraasta ku harsan maamulkaas, ayaa ugu dambeyntii isla qaatay in laga dhigo kuwa daah-furan oo cid gaar ah loo xirin.

Jahwareer xoogan ayaa ka dhashay doorashada kuraasta weli ku harsan Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan , kaas oo ay isku qabteen Madaxweynaha hir-Shabeelle Cali guudlaawe Xuseen & kuxigeenkiisa  Yuusuf Axmed Hagar ( Dabageed).

Guddiga doorashooyinka Hir-Shabeelle ayaa laga dareemay khilaafka Madaxda Sare ee Hir-Shabeelle, waxaana Guddiga ugu dambeyn ay shaaciyeen in Maanta oo Isniin ah la qabanayo doorashada Kursiga HOP#004.

Guddiga Doorashada ayaa diiwaangeliyay guddiga Xulista Ergada iyo murashaxiintii u tartamaysa  kursiga HOP#004, kaas oo uu hadda ku fadhiyo Maxamed Xasan Ibraahim (Qoone), waxaana ku tartamaya Afar Musharrax oo uu kujiro Wasiirkii hore ee Waxbarashada Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan.

Dhinaca kale Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa shaaciyay in la joojiyay doorashada Maanta loo balansan yahay in lagu qabto Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Iyada oo laga Duulayo xaqiijinta amniga iyo Habsami u socod-ka Doorashadda Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Mudane Cali Jeyte Cismaan ahna Gudoomiyaha gudiga amniga gobalka hiiraan waxuu hakiyey Doorashadii berito inta laga Xaqiijinayo xasiloonida iyo habsami u socodka Doorashada.

War kasoo baxay Guddooomiyaha Gobolka Hiiraan ahna Guddoomiyaha Guddiga amniga gobalka hiiraan Cali jeyte Cismaan ayaa waxaa lagu sheegay in, iyada oo la tixgelinayo cabashooyinka ka imaanaya Beelaha kuraastooda dib loo dhigay oo laga dabamariyay jadwalkii doorashooyinka ee ahaa 15/3/2022 , iyaga oo ka cabanaya dib u dhigista lagu sameeyay kuraastooda.

Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan wuxuu sheegay inay heleen xog ku saabsan in la carqaladeeyn rabo doorashada u asteysan in Maanta la qabto uuna dalbanayo in doorashada la joojiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.