Home Afsomali Waxka Baro Taajiriinta Gayigaaga

Waxka Baro Taajiriinta Gayigaaga

Wargeyska ganacsiga bariga Afrika ka faallooda ee loo yaqaano Busiweek ayaa qoray warbixin uu kaga hadlayo sadexda nin ee ugu taajirsan Soomaalida ka dib qiimeyn uu ku sameeyey.

Warbixinta ayaa waxaa lagu sheegay nin ninka Soomaalida ugu taajirsan uu noqday Axmed Nuur Cali Jimcaale oo iska leh bangkiga Salaam isla markaana masuulka ka ah khadka isgaarsiinta ee dhulka Soomaalida.

Wargeyska ayaa sheegay in Axmed Nuur Jimcaale uu haysto lacag dhan 1.3 bilyan oo dollarka Maraykanka ah.

Kaalinta labaad waxaa ku jira Maxamed Siciid Ducaale oo ah Milkiilaha shirkadaha Dahabshiil Group, wuxuuna haysta lacag dhan 1.1 Bilyan oo dollar.

Kaalinta 3aad waxaa ku jira sida wargeysku qoray ganacsadaha reer Jabuuti Cabdiraxmaan Boore oo ah maalgashade, wuxuuna hanti ku leeyahay dalalka Emiratka, Ingiriiska, Singapore iyo meelo kale, hantidiisa waxaa lagu qiyaasay inta u dhexaysa 750 milyan ilaa 960 milyan oo dollarka Maraykanka ah.

Dhanka youtube ka

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.