Home Afsomali Waxqabadii Dowlada iyo xakuumada hadda talada heysa waxaa ka mid ah

Waxqabadii Dowlada iyo xakuumada hadda talada heysa waxaa ka mid ah

1• Gegida diyaaradaha Muqdisho oo 30 sano kadib ay suuragashay in duulimaadyadu si caadi ah habeenkii uga kacaan ugana soo degaan.

2• Gabre laga caydhiyay Soomaaliya.

3• Safaaradihii Itoobiya & Jabuuti oo laga raray gudaha qasriga Madaxtooyada.

4• Safaaradii Uganda oo laga saaray Gudaha Madaarka Aadan Adde.

5• Muwaadiniintii lagu ilaaway xabsiyada dalalka shisheeyee oo lasoo samata bixiyay intoodi badnayd.

6• Shirkii Golaha Wasiiradda oo markii ugu horeysay lagu qabtay meel ka baxsan Muqdisho si loo xoojiyo wadda shaqaynta maamulada iyo bulsho ee Dawladda dhexe.

7• Mushaharkii ciidamadda iyo shaqaalaha dawladda oo si hufan loo bixiyay xitaa daymihii dawladii laga guulaystay ee Xasan Sheikh.

8• Maamulkii Hawadda Soomaaliya oo 30 sano kadib dib loogu soo celiyay gacanta Dawladda.

9• Istaadiyamkii Muqdisho oo 30 sano kadib dib loogu soo celiyay gacanta dawladda.

10• Musuqmaasuuqii oo la xakameeyay markii ugu horeysanay masuuliyiin loo xirxiray & isla xisaabtankii dawladda oo soo laabtay.

11• Deymihii lacagta ee Soomaaliya oo laynaga cafiyay.

12• Haybadii iyo karaamadii qaranka oo lasoo celiyay taaso sababtay in wadamo Norwey kamid tahay aqbalaan in loogu Safro Passport keena.

13• Dhaqaalihii ku bixi jiray safaradda Madaxda iyo diyaaradihii la ingeydh garaysan jiray oo la joojiyay waxaanna xiligan masuuliyiinta Dawladdu si caadi ah ula safraan shacabka.

14• Haykalkii iyo maamuuskii madaxda dawladda ee dalalka dibadda marka lagu qaabilayo oo kor loo qaaday.

Maalintii taladda shacabka ay gacanta Maxamed Mideeye gashay ayay Soomaali badan oo niyad jabtay ogaatay in caynaano iyo rajjo wanaagsan xag rabi lagala maagan yahay.

Akhristaha aan ookiyaalaha Qabiilka iyo qabyaaladda sidanow qoraalkan waad qaadan kartaa, waanad ku dari kartaa wixii kale aan ilaawey.

#NabadiyoNolol.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.