Home Afsomali Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya Warbixinta Toddobaadlaha

Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya Warbixinta Toddobaadlaha

Waxqabadka Dowladda Federaalka Soomaaliya

Warbixinta Toddobaadlaha

Muqdisho, Arbaco, 19 April, 2023

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgaley

shir madaxeed degdeg ah oo ay isugu yimaadeen

hoggaamiyeyaasha dalalka IGAD, oo looga hadlayey

colaadda Sudan ayaa ugu baaqey dhinacyada halkaasi

isku haya inay miiska wadahadalka isugu yimaadaan,

colaaddana ay joojiyaan.

2- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada

Addis Ababa kaga qeybgaley shir madaxeed saddex

geesood oo ay igu yimaadeen Soomaaliya, Ethiopia iyo

Talyaaniga, kulamana la yeeshay madaxda ka qeybgashey

shirkaasi.

3- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

Mudane Xamse Cabdi Barre oo guddoomiyey shir looga

hadlayey xasillinta deegaannada Khawaarijta laga

xoreeyey.

4- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda

Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre oo

gudanaya Cumrada, ayaa ugu duceeyay ummadda

Soomaaliyeed in Alle uu ka dulqaado dhammaan

dhibaatooyinka heysta, intaasna ku darey in sanadkan uu

noqon doono kii dalka looga suulin lahaa Khawaarijta Al

Shabaab.

5- Wasaaradda Arrimha Dibedda ee Soomaaliya ayaa

sameysay nidaam lagula soconayo xaaladda

muwaadiniinta Soomaaliya ee ku nool dalka Suudaan oo

ay dagaallo ka socdaan.

Jamhuuriyadda Federaalka

Soomaaliya

Wasaaradda Warfaafinta

Dhaqanka & Dalxiiska

Somali Federal Republic

Ministry of Information, Culture and Tourism

جمهىرية الصىمال الفدرالية

وزارة االعالم

والثقافةوالسياحه

Villa Soomaaliya, Degmada Warta Nabadda, Muqdisho-Soomaaliya, | Tel: +252 1 861012 |

Email: info@moi.gov.so www.moi.so

6- Wasiirka Amniga Gudaha XFS Mudane Maxamed Axmed

Sheekh Cali (Doodishe) ayaa magaalada Belgrade ee

dalka Serbia tababar 4 bilood socday ugu soo xiray qaar

kamid ah ciidanka ilaalada gaarka ah ee Madaxtooyada

Soomaaliya.

7- Soomaaliya iyo Jarmalka oo kala saxiixday heshiis

dhaqaale kaas oo loogu talagaley dib u soo kabashada

ilaha dhaqaalaha iyo ganacsiga Soomaaliya.

8- Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Khawaarijta Al

Shabab kala wareegay degaanno hoos yimaada Budbud

iyo Galcad oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

9- Ciidamada Xooga Dalka iyo kuwa degaanka ayaa Al

Shabab ka xoreeyay degaanka Dahar Faqay oo hoostaga

Degmada Ceeldheer ee Gobalka Galgaduud.

10- Ciidanka Kumandoska XDS ee Danab ayaa

maleeshiyaadka Khawaarijta Al-Shabaab kala wareegay

goobo cusub iyo difaacyo ay ku lahaayeen degaannada

Geryaale, iyo Ceel-juqoow oo ka tirsan gobolka

Galgaduud.

11- Ciidanka Xoogga Dalka iyo oo garabsanaya shacabka

degaanka ayaa burburiyay fariisimo ay ku

dhuumaleysanayeen Khawaarijta Al-Shabab oo ku yaalla

degaannada Buulo Burde ilaa ilaa Halgan ee jiinka wabiga

ee gobolka Hiiraan.

12- Ciidanka Xoogga Dalka ayaa duleedka degaanka

Jannaale ee gobolka Shabeellaha Hoose ku laayay koox

Khawaarij ah oo doonaysay inay jidka u galaan kolonyo ka

tirsan ciidanka ATMIS.

Jamhuuriyadda Federaalka

Soomaaliya

Wasaaradda Warfaafinta

Dhaqanka & Dalxiiska

Somali Federal Republic

Ministry of Information, Culture and Tourism

جمهىرية الصىمال الفدرالية

وزارة االعالم

والثقافةوالسياحه

Villa Soomaaliya, Degmada Warta Nabadda, Muqdisho-Soomaaliya, | Tel: +252 1 861012 |

Email: info@moi.gov.so ww

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.