Home Afsomali Weerar Askar lagu dilay oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Weerar Askar lagu dilay oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

 

Maleeshiyaad hubeysan ayaa weerar jidgal ah ku qaaday Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ku socdaalayay inta u dhaxeeysa degaannada Teedaan & Qodqod ee Gobolka Hiiraan, waxaana weerarkaas ka dhashay khasaaro dhimasho & dhaawac ah.

Weerarkaas ayaa goobjoogayaal sheegeen in lagu dilay laba Askari oo katirsan Ciidamada dowladda mid kalena lagu dhaawacay, waxaana Ciidamada la weeraray oo ka tegay degaanka Teedaan ay ku wajahnaayeen degaanka Qodqod ee Gobolka Hiiraan.

Majirto cid weli sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas lagu dilay Askarta kamid ahaa Ciidamada dowladda Soomaaliya, iyada oo saraakiisha Ciidamada & Maamulka Gobolka Hiiraan aysan weli ka hadlin.

Weerarkaan lagu dilay Askarta katirsn Ciidamada Millateriga Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli howlgallo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab ay ka socdaan Aaga uu weerarka ka dhacay ee katirsan Gobolka Hiiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.