Home Afsomali Weerar bambaano oo caawa hadana ka dhacay baydhabo iyo qasaare ka...

Weerar bambaano oo caawa hadana ka dhacay baydhabo iyo qasaare ka dhashay

Wararka aan caawa ka heleyno magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in weerar lagu qaaday mid kamid ah bar  laga soo galo magaalada Baydhabo.

Wararka ayaa sheegaya in bar ilaalineedka waqooyi ee magaalada Baydhabo lagu weeraray Bam gacmeedyo,  waxaana kadib xigay rasaas ay fureen ciidamada amaanka ee magaalada.

Afar ruux oo seddex kamid ah yihiin ciidamada booliska ee goobta joogay ayaa dhaawacyo ay kasoo gaareen weerarka caawa ka dhacay magaalada Baydhabo, waxaana xiligaasi socday baaritaanka gaadiid doonayay inay magaalada galaan.

Kooxaha weerarkaasi ka dambeeyay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana kadib ciidamada amaanka ay bilaabeen baadi goobta dadka falkaasi ka dambeeyay.

Magalada Baydhabo ayaa amaankeeda aad loo adkeeyay,waxaana dhawaan la filayaa inay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed oo dhowr mar dib loo dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.