Home Afsomali Weerar bambaano oo lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii Gobolka Shabeelada Hoose...

Weerar bambaano oo lagu dilay guddoomiye ku xigeenkii Gobolka Shabeelada Hoose Cumar carabey oo ka dhacay Dagmada Afgooye .

Gudoomiye kuxigeenka Gobolka Shabeelaha Hoose Cumar Maxamud Cilmi “Cumar Carrabey” ayaa lagu dilay weerar lagu qaaday gurigiisa gudaha  Degmada Afgooye.

guriga Guddoomiye ku xigeenka ayaa koox aan heybtooda la garaneyn bambaanada gacanta oo ku nasiibso ah ku tureen xili uu  ku sugnaa gudaha hoygiisa taasoo keentay dhimashadiisa.

Gudoomiye ku xigeenka iyo ciidamado badan ayaa ku sugnaa gudaha oo sida caadada u aheyd iskuugu Iman jiray gudirigiisa

Dad joobjoogayaal ah ayaa somalisan u xaqiijiyey geerida Cumar Carabey waxaana  ay sheegeen sidoo kale in meydkiisa la geeyey ispitalka digfeer isaga iyo laba ruux oo ku dhaawacmay weerarka bambaanada

Waxaa loo badinayaa inay dilkaan ka dambeyso Kooxda Al-Shabaab oo dagaal kula jirto Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamada AMISOM.

Ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa ku biirey cidankii horey u joogay  guriga Guddoomiyaha lagu dilay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.