Home Afsomali Weerar ka dhacay duleedka Kismaayo & khasaaro ka dhashay

Weerar ka dhacay duleedka Kismaayo & khasaaro ka dhashay

 

Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada dowlad Goboleedka Jubbaland iyo Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa Maanta ka dhacay duleedka Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Jubbaland.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Xubno katirsan Al-Shabaab ay saaka weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamada Jubbaland ku leeyihiin halka loo yaqaano cadayga oo kudhow degaanka Singaleyr ee duleedka Magaalada Kismaayo, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal leysku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda weerarka ayaa sheegtay inay dileen hal askari oo kamid ah Ciidamada Jubbaland laba kalena ay dhaawaceen, sidoo kalena ay la wareegeen fariisinka Ciidamada Jubbaland halka loo yaaaano cadayga ee duleedka Magaalada Kismaauo.

Saraakiil katirsan Ciidamada Jubbaland ayaa waxaa ay dhankooda sheegeen inay iska difaaceen weerarkii kaga yimid duinaca Ururka Al-Shabaab, isla markaana ay khasaaro ku gaarsiiyeen dagaalkii ay la galeen.

Dhowr jeer ayaa duleedka Magaalada Kismaayo waxaa ka dhacay dagaalo u dhaxeeyay Ciidamada Jubbaland iyo Al-Shabaab, hayeeshee waxaa barbar socda howlgallo ay wadaan Ciidamada Kumaandooska DANAB iyo kuwa Daraawiishta Maamulka Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.